Hargeysa (Dhamays) – Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo Maanta Boqollaal ka mid ah Shacabka ku dhaqan Caasimadda Hargeysa la tukaday Salaaddii Ciidda Carrafo, ayaa ka hadlay Nabadda dalka ka jirta iyo ilaalinteeda iyo weliba doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan in Somaliland laga qabto 13-ka bisha November, 2017-ka.
Saylici wuxuu Shacabka u soo jeediyey inay Ciidammada Qalabka sida kala shaqeeyaan Ilaalinta Nabadgalyada, si Xasiloonida ka jirta Somaliland u sii waarto oo aanu Cadowgu u wiiqin.
Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose Ka Daawo
Dhamaysnews.com/Hargeisa Office