SAWIRRO: Jaaliyadda UK Oo Xaflad Ballaadhan Ku Taageertay Madaxweynaha Cusub Iyo Ku-xigeenkiisa

Birmingham (Dhamays)  – Magaalada Birmingham waxa Xalay ka dhacday xaflad weyn oo loogu Hambalyeynaayey Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Md Cabdiraxmaan Saylici oo dhawaan Xilka la wareegtay.

Munaasabaddan oo heersare ah loo soo agaasimay isla-markaana ay iska kaashadeen qaban-qaabadeedda Xubno ka mida Jaaliyadda Somaliland Birmingham  iyo tageerayaasha Kulmiye ee Birmingham ayaa lagu soo dhaweynayey Xukuumadda Madaxweynaha cusub ee Somaliland Mudane  Muuse Biixi Cabdi oo ka dhacday Xaafadda Small Heath ee Magaalada Birmingham Uk.

Waxaa ka soo qeyb-galay Masuuliyiin ka kala socday Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Jaaliyadaha Somaliland ee Dalkan Sida, Birmingham, Derby, Coventry, Wolverhampton, kuwaasi oo ahaa dadweyne aad u fara Badan oo isugu jiray qaybo badan oo ka mida Jaaliyadda Somaliland Gobolka Midlands gaar ahaan Tagaeerayaasha Kulmiye oo leh Rag, Dumar, Odayaal, Aqoonyahano, Waxgarad iyo dhalinyaro oo si aad ah loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha cusub ee Somaliland.

Xafladda waxaa lagu furey aayado quraan ah, ka dibna waxaa khudbado kala duwan ka soo jeediyey qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Hadallada laga jeediyay waxay u badnaayeen amaan loo jeedinayey Madaxweynihii hore Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo lagu soo bandhigay buuggiisii waxqabadka muddaddii toddobada Sano ahayd ee uu xilka hayey iyo soo dhoweeyn ama bogaadin loo jeedinayey Madaxweynaha cusub Mudane Muuse Biixi Cabdi, siiba talo soo jeedin ku aadan sidii uu u dabiqi lahaa istaraatijiyado waxtar leh oo keeni karta inuu dalka Somaliland ka faa’iideysto iyo fursadda loo haysto, iyadoo maanka lagu hayo inuu sii wado Horumarkii uu tagey Madaxweynihii ka horeeyey Mudane Siilaanyo, waxaanay ugu duceeyeen in ilaahay xilkaasi u fududeeyo Madaxweynaha cusub iyo Xukuumaddiisa.

Masuuliyiinta xafladda wax ka soo Abaabushay oo uu guddoomiyaha Kulmiye Birmingham Mudane Maxamuud Xirsi (Duuduu) ugu horeeyo oo goobta ka hadlay, waxay sheegeen in Madaxweynaha cusub ay si fiican u garanayaan isla-markaana ay hubaan inuu yahay shaqsi ku habboon Masuuliyadda loo doortay kana soo bixi kara, waxaana ay kula dardaarmeen Waxa ugu horeeya in xukuumadda uu soo dhisay in ay noqoto mid Xoojisa Sugidda Cadaaladda,  Amniga iyo Horumarka dalka, iyadoo laga rajeynayo ayey yidhaahdeen masuuliyaiintaasi madasha ka hadashay in Xukuumaddiisu noqoto mid waxtar leh oo dalka sii hor-marisa, iyagoo xusay dhamaantood  inuu la hubo in Madaxweyne Muuse uu wax badan qaban karo.

Xafladdaasi soo dhaweynta & taageero gaar ah isugu jirtey, ayaa Hambalyo iyo Guubaabo loogu direy Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Marwo. Farduus Maxamed Bootaan Iyo Ayaan Xuseen “Janaale” oo ah sarakiisha haweenka Xisbiga Kulmiye UK, ayaa Hambalyo ka dib tilmaamay in Madaxweynaha cusub looga fadhiyo go’aanno saameyn ku leh  Horumarkam dhaqaalaha dalka iyo kobaca Bulshadaba.

Ugu dambayn, tan iyo markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaa aad u soo dhoweynayey dadka Somaliland  oo u arka nin sii wadi kara Horumarkii uu bilaabay Madaxweynihii hore ee Mudane Axmed Siilaanyo iyo in uu dalka u riixi karo jahada uu Horumarku ugu jiro.

Adan Yusuf Elmi

Birmingham/UK

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal