SAWIRRO: 50 Qof Oo Lagu Dilay Dalka Maraykanka

Las Vegas (Dhamays) – Ugu yaraan 50 Ruux ayaa ku dhintay, 200 kalena dhaawac ayaa ka soo gaadhay toogasho ka dhacday bandhig-faneed lagu qabanayay magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.

Qof hubaysan ayaa rasaas ku furay barxaddii uu bandhiggu ka socday oo ku taalla hoteelka Mandalay Bay

Nin hubeysnaa oo lagu magacaabay Stephen Paddock oo 64-sano jir ah ayaa la sheegay in rasaas uu ku furay meel ay ka socotay Bandhig-faneed laga qaadayey Heeso.

Booliska Las Vegas waxay sheegayaan in ay ogaadaan halka ay joogto haweeney la socotay ninka dadka laayay oo ay ku magacaabeen Marilou Danley, iyo laba gaadhi laga shakiyay.

Boqollaal dad ah ayaa goobtii ka firxaday waxaana la maqli karay wax u ekaa rasaas qori ka dhacaysa, sida laga maqli karo muuqaal baraha bulshada la soo galiyay.

Booliisku waxay sheegeen in qofkii laga shakisnaa “dhulka la dhigay” isla-markaanaa ayna rumaysnayn in ay jiraan dad kale oo laga shakisan yahay.

Waxaa jira war kale oo sheegaya in arrin kale ay ka dhacday goob kale oo isla Las Vegas ah.

Qof u hadlay Cisbitaal ayaa sheegay in xaaladdoodu ay liidato 14 ruux oo dhaawac ah.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal