SAWIRRO: 300 Qof Oo Ku Dhintay Daadad Qaaday Caasimadda Sierra Leone

Freetown (Dhamays) – In ka badan 300 oo qof ayaa loo maleynayaa inay ku dhinteen magaalada Freetown ee caasimadda dalka Sierra Leone, kaddib Roobab xooggan oo daad ku fatahiyay magaalada, Daadadkaasi oo sababay inay Guryo dumaan.

Guryo ayuu Daadku qaaday, Meydad badan ayaana lagu arkayaa waddooyinka magaaladaasi.

Khasaaraha ayaa la filayaa inuu intaasi ka kordho, iyadoo loo maleynayo in boqollaal meydad ah ay ku hoos jiraan dhismayaasha burburay. Madaxweynaha dalkaasi Ernest Bai Koroma ayaa sheegay in gurmad degdeg ah loo fidinayo dhibbanayaasha waxa uu ugu yeedhay musiibo qaran.

Daadadku kuma cusba dalka Sierra Leone, halkaas oo roobabka xooggan ay qaadaan guryaha aan sida hagaagsan loo dhisin.

Roobabka ayaa aalaaba ku dhufta gudaha iyo deegaannada ku xeeran magaalada Freetown oo ah magaalo-xeebeed ay buux dhaafiyeen in ka badan hal milyan oo qof.

Sanadkii 2015, Freetown waxaa ka dhuftay daadad ka dhashay roobab watay dabeylaha Monsoon-ta kuwaas oo sababay dhimashada 10 qof, halka kumannaan qofna ay guryo la`aan noqdeen.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal