Sarkaal Booliis Ah Iyo Askari Kale Oo Lagu Dhaawacay Hargeysa

Hargeysa (Dhamays) – Taliyaha Saldhigga Booliiska ee Degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa iyo Askari kale ayaa dhaawac soo gaadhay, ka dib markii Saraal ka mid ah Ciidammada Laanta Socdaalka Somaliland uu Rasaaseeyay.

Sidaana waxa sheegay Afhayeenka Booliiska Somaliland Faysal Xiis Cilmi oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xarunta Taliska Guud ee Booliska ee Magaalada Hargeysa.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Falkani uu Saqdii dhexe ee Xalay ka dhacay Koonfurta Biriijka 1-aad ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Is-goyska loo yaqaanno TOTAL.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi oo Faahfaahsan

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal