Salaadiinta Waaweyn Ee GAR-XAJIS Oo Kulan La Yeeshay Madaxweynaha La Doortay

Hargeysa (Dhamays) – Salaadiinta Beelaha Gar-xajis oo ay hoggaaminayeen Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani iyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa Maanta Booqasho Salaan iyo Hambalyo ah ugu tagay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Salaadiinta Beelaha Gar-xajis oo ay ka mid yihiin Suldaan Aadan Suldaan Faarax, Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey, Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre, Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan, ayaa Madaxweynaha la doortay kula kulmay Gurigiisa Magaalada Hargeysa, waxayna yeesheen kulan muddo qaatay, waxayna hadallo ay Salaadiintaasi ka jeediyeen kulankaa ay Madaxweynaha la doortay iyo ku-xigeenkiisa ku Hambalyeeyeen Guushii ay ka gaadheen Doorashadii Madaxtooyada ee Dalka ka dhacday 13-kii bishii hore ee November, 2017-ka.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Aadan Suldaan Faarax iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi u sheegay inay beel ahaan ka midaysan yihiin la shaqayntiisa iyo ku gacan-siinta arrimaha horyaalla, isla-markaana ay ka go’an tahay in Somaliland oo gacmaha is wada haysataa garab istaagto Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa la doortay, waxaana ay Madaxweynaha cusub ka codsadeen inuu si cilmiyeysan wax uga qabto wixii tabasho ah ee ay beel ahaan u tirsanayaan.

Madaxweynaha cusub ee la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna soo dhaweeyey hambalyada ay Hal-doorka dhaqanka ee Beelaha Gar-xajis u muujiyeen iyo taageeradooda, waxaana uu sheegay inuu talo nasteex ah iyo hogo-tusaalaynba marti uga yahay, isla markaana ay qayb ka yihiin qorshihiisa guud ee uu Madaxweyne ahaan ka leeyahay dhammaanba beelaha reer Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intaas ku daray inuu diyaar u yahay fulinta qorshe caddaalad iyo sinnaan ku dhisan oo uu ka hirgeliyo dhammaanba deegaannada ay beelaha reer Somaliland degaan.

Kulanka Hambalyada ah ee Salaadiinta waaweyn ee Beelaha Gar-xajis la yeesheen Madaxweynaha la doortay iyo ku-xigeenkiisa oo dabcan aanay ka maqnayn Siyaasiyiinta Beeshaasi kaga jira Xukuumadda xilkeedu sii dhamaanayo, ayaa ku soo beegmay Xilli isla Shalay ay Guddi sheegtay inay yihiin Guddiga Guud ee Beelaha Gar-xajis iclaamiyeen Shirka ay iskugu imanayaan Beelaha Gar-xajis ee ku dhaqan Dalka Gudihiisa iyo Dibeddiisaba.

 

Sidaana waxa shaaciyey Guddoomiyaha Guddigaasi Axmed Cismaan (Caddo-gude) oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiis ay Guddigaasi ku leeyihiin Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in Shir Maalmihii u dambeeyay Guddigooda u socday ay ku Go’aamiyeen in la iclaamiyo Qabashada Shir uu sheegay in Beelaha Gar-xajis Sannad kasta mar yeeshaan, sidaasi darteedna ay u saareen Guddi ka shaqaysa isku dubba-ridkiisa.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal