SOOL: Reer Laascaanood Oo Dhigay Maanta Dibad-bax Lagu Waaninayo Beelo Is-ugaadhsada

Laascaanood (Dhamays) – Dibadbax lagaga soo horjeedo colaad dad badan sahayatay oo sanadihii la soo dhaafay ka taagnayd deegaanka Dharkeyn-geeye ee koonfurta Gobolka Sool ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood Shalay.

Isu soo baxan oo ay soo qabanqaabiyeen ururada dhalinyarada, Saxaafadda iyo haweenka ayaa socod lug ah ku maray inta badan jidadka magaalada Laascaanood iyagoo ugu danbayntii ku soo gabagabeeyey degaanada ay labada beelood wada degaan ee koonfurta magaalada Laascaanood.

Khudbado kala duwan oo dhamaantood lagula hadlayey labada Beelood ee Walaalaha ah ee colaaddu dhexmartay ayaa laga soo jeediyey, iyadoo xusuus looga dhigayey wanaaggii hore ee uga dhaxayn jirey.

“Waxaad ahaydeen Walaalo, waxaad tihiin Xidid, Abti, Seeddi iyo wax kasta oo dad isjecel wadaagaan waad wadaagtaan, shaydaan ayaa idinka dhex shaqaystay ee iska naara oo iska fogeeya, xusuustana ciqaabta maalinta Danbe” sidaa waxaa tidhi Maryan Maxamuud oo haweenka afkooda ku hadlaysey, waxayna intaa ku dartay, “Colaaddan oo 8 Sannadood na haysatay waxay isku beddeshay in Habeenkii Guryaha la iskugu soo daato oo Carruurta la iska bireeyo, Dumarka la iska dilo, arrintaasi ayaanu ka kacsanahay oo aanu ka xunnahay.”

C/raxmaan Cali Ducaale iyo C/qani Xasan Geerash oo ku hadlayey Afka Bahda Saxaafadda ayaa waxa ay sheegeen in aan hadda wixii ka danbeeya la eegan Karin dhibaatada ka dhex taagan labada beelood, iyagoo xusay in haatan ay gaadhay Colaadda u dhaxeysa labada beelood in Carruurtii laga saaro Dugsiyada Waxbarashada.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool Ibraahin Jaamac Daad, ayaa waxa uu sheegay in dhibaatada taagan ay haatan tahay mid ka balaadhan mid ciidanku xakamayn karo, waxaanu ugu baaqay in miiska nabadda lagu soo noqdo.

Qaar ka mid ah bahda Suugaanta oo uu ka mid yahay Abwaan Jaamac Kediye ayaa halkaa hadalo dardaaran, wax-sheeg iyo tusaalayaal kala duwan suugaan ku soo bandhigay.


Inkasta oo meelaha qaarkood ay kala kulmeen dadka banaan-baxayey rabshado dhagax loo adeegsadey oo labada beelood qaarkood dhalinyaro ka mid ahi kala horyimaaddeed ma dhicin wax khasaare ah oo la sheego marka laga reebo laba qof oo dakhar soo gaadhey.

Labada Beelood ee Colaadda u dhaxeysaa keentay in Dadweynuhu Dibad-bax nabadeed dhigayaan, ayaa Sannadkii hore Maleeshiyaad ka kala tirsani waxay ku dagaaleen deegaanka Dharkeyn-geeye, waxaana labada Beelood wakhtigaa iska dileen Dad lagu qiyaasay 42 Nin.
 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal