Raysal’iisal Wasaarah Soomaliya Oo Ka Digay ‘Faragelinta, Dalalka Jaarku ku Hayaan Doorashada Dalkaasi Soomaliya

Muqdisho (Dhamays) Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Federaalka Soomaliya, Cumar Cabdirashid Cali Sharkmarke ayaa ka digay waxa uu ugu yeedhay faragelinta ay dalalka deriska ah ku hayaan doorashada Soomaaliya.

 

Mr. Sharmarke oo ka mid ah 24 qof oo u tartameysa madaxweynanimada Soomaaliya ayaa ugu baaqay waddamada ku deeqay ciidammada AMISOM inaanay uga faa’iideysan kaalmadaasi dhanka amniga ah inay ku farageliyaan arrimaha siyaasadda Soaomaaliya.

 

”In musharrax gaar ah ay culeyskooda isugu geeyaan si ay u taaageeraan oo ay taageera uga raadiyaan maamul goboleedyada sax ama ahan. Waxaan ka dalbanayaa in dalalka deriska ah ay ixtiraam u muujiyaan Soomaaliya oo ay faraha naga qaadaan”, ayuu yiri Cumar cabdirashiid oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

 

Wuu ka gaabsday inuu ka hadlo waddamadaasi iyo musharrixiinta ay taageerayaan.

 

Doorashada madaxtinnimada Soomaaliya oo dhowr jeer dib loo dhigay ayaa lagu wadaa in qabsoonta 8 bisha Fberuary.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal