QAYBO KA MID AH MAGAALO GANACSIYEEDKA TOG-WAJAALE OO DAB XOOGANI QABSADAY IYO KHASAARAHA KA DHASHAY

Wajaale (Dhamays) Qaybo kamida Magaalo Ganacsiyeedka Tog-wajaale ee xuduuda Somaliland iyo dalka Etoobiya isla markaana ay taalo hanti malaayiin dollar ahi ayaa waxaa xalay Niskii danbe  abaaro 3;30 habeenimo  dabkan ayaa qabsaday qaybo ka mida Meherado Ganacsiyeed ku yaala magaalada Tog- wajaale kuwaasi oo sobobay khaasare laxaadle halka uu wali dabkani ka holcayo qaybo ka mida suuqa bacadlaha.

Ciidamada kala duwan ee Dabdamiska ,booliska ,Ciidamada Milatariga iyo Dadwaynaha ku dhaqan maagalada Wajaale ayaa Dasdaal ugu jira sidii loo bakhtiin lahaa dabkan.

Dhanka kale muwaadiniintan iyagu lahaa bakhaaradan ayaa isu dayay sidii wax looga bad baadin lahaa hantidoodan halka qaar kalena iskudayayeen in ay nafahooda uun kala baxsadaan,

Majiro khasaare nafeed oo wali lahayaa, marka laga reebo dad ay dhaawacyo fududi soo gaadheen.

Magaalo Ganacsiyeedka Togwajaale ayaa Maamul ahaan Waxay Ka Tirsan Gobolka Gabiley.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal