Qadar Oo Diiddan Inay Wada-hadallo La Gasho Dawladaha Khaliijka, Illaa Go’doominta Laga Qaado

Hargeysa (Dhamays) – Dowladda Qadar ayaa ku hanjabtay in aanay wax wada-hadal ah la galaynin xulufada Sucuudigu Hoggaamiyo ee Xidhiidhka u jaray Laba Toddobaad ka hor.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dalka Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-Taani, ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in aanay Qadar wax wada-hadal ah la galaynin Dawladaha Khaliijka Carabta ee Go’doomiyey illlaa inta ay Go’doominta ka qaadayaan

“Qadar waxaa ay ku jirtaa go’doomin, ma jiro wax wada-hadal ah, waa in ay qaadaan go’doominta si aan u wada xaajoonno.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Qadar, waxaanu intaa sii raaciyey “Ilaa hadda ma aragno wax tallaabo ah oo ku saabsan go’doominta in la naga qaadayo, taas oo shuruud u ah wax kasta oo hore loogu soconayo,”

Qatar’s foreign minister rejected attempts to interfere in the country’s foreign policy and said a “military solution” to the country’s crisis with its Gulf neighbours was not an option. / AFP PHOTO / KARIM JAAFAR

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dalka Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-Taani, waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin Cid kale oo xaq u leh inay faro-geliso Arrimaha Dalka Qadar, “Wax kasta oo aan dhankooda ka imanin ma suurto-gelin karaan wada-xaajood.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey “Ma jirto Cid kale oo xaq u leh in ay soo farageliso arimahayaga.”

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal