Puntland Oo Ka Hadashay Wada-hadallada Somaliland & Khaatumo

Garoowe (Dhamays) – Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ka hadlay Wada-hadallada u socda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa isagoo ka jawaabaya eedaymo uu Dr. Galaydh u jeediyey Puntland oo ahaa in Cadowga koowaad ee Khaatumo leedahay tahay Puntland, ayaa sheegay in Dr. Galaydh ka mid yahay Dad uu ku tilmaamay inay yihiin “kuwo Khaatumo xun”

Mr. Camay waxa kale oo uu ka hadlay Wada-hadallada u socda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo, waxaanu sheegay in Somaliland ay Awr ku kacsanayso Khaatumo ee aanay dan kale ka lahayn, waxaanu yidhi. “Qoladan qaylinaysa (Khaatumo) Awr uun baa lagu kacsanayaa, ee wax is-beddel ahi oo uu u imaanaya ama u soo socdaa meesha ma yaallaan.” 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu yaqaanno Dr. Cali Khaliif Galaydh, sidaa darteed aanu Galaydh u sheegi been, waxaanu yidhi, “Dadku wuu is-yaqaanaa, Siilaanyo wuu yaqaanaa Cali Khaliif, markaa Nin ku yaqaan been uma sheegi kartid..” 
 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal