Odayaal Reer SOOL Ah Oo Wer-wer Ka Muujiyey Laascaanood Oo Ay Sheegeen Inay Ka Bilaabeen Is-ugaadhsi & Dilal Joogta Ahi

Laascaanood (Dhamays) – Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka iyo Odayaasha Magaalada Laascaanood, ayaa wer-wer ka muujiyey Xaalad Ammaan-darro oo ka taagan Magaalada Laascaanood iyo Hareeraheeda.

Cuqaal iyo Waxgarad Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Laascaanood Maanta, ayaa sheegay in Xaalad Ammaan-xumo ka jirto Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, isla-markaana Xaaladdu gaadhay in habeenkii la is-ugaadhsado oo Rag la laayo, iyagoo ku dooday in Arrintaasi bilaabantay markii la Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Sool.
Odayaasha Shirka jaraa’id qabtay, ayaa Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Sool ku eedeeyay inay waxba ka qaban kari waayeen Xaaladda Amaan-xumo ee ay sheegeen inay ka jirto Laascaanood.

Mid ka mid ah Odayaashaasi oo uu Codkiisa iyo Muuqaalkiisa baahiyey Telefiishanka Universal Shalay, ayaa yidhi, “Waxaanu dhawaaqayaga gaadhsiinaynaa Dawladda Somaliland ee soo Magacawday Cidda ay khuseyso Nabadgalyadu, waxaanu leenahay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Sool way ku fashilmeen (Wax ka qabashada) Nabadgelyo Xumada ka jirta deegaannada Gobolka Sool, inay ku fashilmeenna way ogtahay Dawladdu, Ummadduna way og-tahay, Waayo? Laascaanood iyo Agagaarkeedu waxay noqdeen KAWAAN oo wax nabadgalyo ah oo ka jirtaa ma jirto.”

Odaygaas oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Wasiirka Arrimaha guduhu waa Wasiirkii Amniga, isagaa Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Sool, Maalintii uu Magacaabay ayay bilaabantay in Gobolka la isku dilo, in habeen walba Rag dhiiggooda la daadiyo oo la is ugaadhsado, markaa waxaanu codsanaynaa haddii Dawladdu wanaag iyo Nabadgalyo ka rabto Gobolka Sool inay ka fiirsato Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Taliyaha qaybta ee uu keensaday oo laga beddelo.”ayuu yidhi.

Odayaal iyo Cuqaal iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa ku baaqay in Xukuumadda iyo Laamaha Ammaanku wax ka qabtaan Xaaladda Amni ee Magaalada Laascaanood.

Laba Toddobaad ka hor, ayaa waxa Magaalada Laascaanood lagu qabtay Dibad-bax Nabadeed oo ay soo Abaabuleen Suxufiyiinta halkaa ka shaqeeya iyo ururrrada Bulshada Rayidka ah, kaasi oo ay doonayeen inay Nabad ku dhex dhigaan Laba Beelood oo Walaalo ah oo hore shaqaaqo ugu dhex martay Koonfurta Gobolka Sool, balse Dadkooda deggan gudaha Laascaanood bilaabeen inay habeenkii is-ugaadhsadaan, iyagoo isku dilaya Aano Qabiil iyo waxyaabe kale oo ay kala tirsanayaan.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal