Nin Maraykan Ah Oo Maxkamad Ka Hor Qirtay In Al-shabaab Tababbartay

USA (Dhamays) – Muwaadin u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Maalik Alim Jones, oo 32-jir ah, ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in uu taageero siiyay, kana mid ahaa dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Garsooraha degmada Paul Paul Gardephe ee Manhattan, ee dalka Marekanka, ayaa sheegay in Jones uu maxkamadda ka hor qirtay in qori AK-47 ah uu adeegsaday intii uu la joogay Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa la sheegay in tababar uu la qaatay dagaalyahannada Al Shabaab.

“Waan ogaa in ficilladaydu ay xadgudub ku tahay sharciyada Mareykanka,” ayuu yidhi Jones.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in Jone uu ku dhashay kuna noolaa Maryland, uuna sanadkii 2011 u safray dalka Kenya, kaddibna uu u sii gudbay Dalka Somaaliya, halkaas oo uu kula tababarta kooxda Al-shabaab, waxaana dhammaan dembiyadaasi lagu soo oogay sanadkii 2016.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal