“Muuse Biixi Waxaan Ku Doortay Waa Nin Go’aan Qaadan Kara Oo Aan Mus-dambeed Lahayn..” Seed

Boorama (Dhamays) – Guddoomiye-ku-xigeenkii koowaad ee hore ee xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo haatan ka tirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, ayaa shaaciyey sababaha uu u doortay inuu dhiso murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE, ahna Guddoomiyaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ee uu uga doortay saaxiibkiisii hore ee murrashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro.

Axmed Muumin Seed oo Maanta ka hadlayey madal uu xisbiga KULMIYE kusoo dhaweynayey saraakiishii xisbiga WADDANI ugu sarraysay gobolka Awdal, waxa uu sheegay inuu ku arkay Muuse Biixi dhammaan astaamaha uu leeyahay hoggaamiye, sidaasi darteedna uu ku doortay inuu ku raaco, “Calaamadaha aan Muuse Biixi ku doortay waxa ka mid ah Muuse maaha beenaale, waana nin hadallo cad oo marka uu halkaas soo socdo waxaad garanaysaa inuu amba ku dilayo amba ku noolaynayo, waana nin go’aan qaadan kara oo aan mus-dambeed lahayn, musdambeedkiisuna waa aqoonta, wuuna leeyahay dhammaan calaamooyinkii hoggaaminta,” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Waxa kale oo uu ka hadlay waxa keenay in aannu xil ka qaadan xisbiga KULMIYE kadib markii uu soo galay, waxaannu sheegay inuu ixtiraamka iyo qaddarinta ugu hayo xeerarka iyo shuruucda dalka, isaga oo tallaabo sharciga baal marsan ku sifeeyey xilka hoggaamiyenimo ee uu xisbiga WADDANI u cumaamaday wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal