“Musharraxiinta Kale, Muuse Ha Uga Hadhaan (Tartanka)..” Amb. Cawil

Sanaag (Dhamays) – La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Wada-hadallada Soomaaliya Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee Xisbiyada Mucaaradka ahi ay tartanka uga tanaasulaan Musharraxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Xuseen oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu soo dhaweynayey Wefti uu musharraxa KULMIYE hoggaaminayo oo ku sugan Gobolka Sanaag, ayaa ka warramay waxyaabihii soo kala qabsaday Xukuumaddii Daahir Rayaale ee uu isagu Wasiirka Maaliyadda ka ahaa iyo Xisbigii KULMIYE ee wakhtigaa uu Muuse Biixi ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

Amb. Cawil wuxuu sheegay in Muuse Biixi uu wakhtigaa door wanaagsan ka qaatay Daminta Mudaharaaddo uu Xisbiga KULMIYE abaabulay oo lagaga soo horjeeday Xukuumaddii UDUB, taasina tahay qayb ka mid ah Taariikha wanaagsan oo Muuse Biixi ku sugan tahay sida uu hadalka u dhigay.

 Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose Ka Daawo

 Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal