Muqdisho: 7 Ruux Oo Ku Dhintay Qarax Gaadhi Loo Adeegsaday

Muqdisho (Dhamays) – Gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay Gelinkii dambe ee ka dhacay meel u dhow Beerta Nabadda oo ku taalla Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay dad badan isugu tagaan maalin kasta, waxaynu wararku sheegayaan in halkaas uu ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay meel kaalin shidaal ah iyo makhaayad,  halkaas oo ay ku dhinteen illaa 7 Qof, toboneeyo kalena ay ku dhaawacmeen sida uu xaqiijiyay Afhayeenka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane.

Magaalada Muqdisho ayaa ka nasatay qaraxyadii badnaa ee ka dhici jiray, waxaana taas loo tiiriyay hawlgalada amniga ee magaalada laga sameeyay bilihii lasoo dhaafay.

Hase-yeeshee bishan September, ayaa waxaa dhacay dhacdooyin amni darro ah meelo kale duwan dalka oo ay caasimadda Soomaaliya.

 Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal