Muqdisho: 15 Qof Oo Ku Geeriyooday Qarax

Muqdisho (Dhamays) – Khasaare Laxaadle ayaa ka dhashay Qarax culus oo Maanta ka dhacay Xarunta Maamulka Degmada Wada-jir ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya.

Qaraxan oo loo adeegsaday Bas caasi laga soo buuxiyey Waxyaabaha Qarxa, ayaa waxa la xaqiijiyey inay ku Geeriyoodeen illaa 15 Ruux oo ay ku jiraan Askar, Haween iyo Dad kale oo Rayid u badan, halka tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha degmada Wada-jir Cumar Cabdillaahi Xasan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Sawirro laga soo qaaday Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaadhay Xarunta Maamulka Degmada Wada-jir iyo dhismayaashii iyo Gaadiidkii ku dhawaa, iyadoo Goobta uu Qaraxu ka dhacay ay ku dhawdahay Suuqa Degmada Wada-jir oo xilligaa aad u mashquul ahaa, maaddaama oo Qaraxu ka dhacay Xilli Duhur ah oo Dad badan ka adeeganayeen.

Qaraxan oo ay masuuliyaddiisa sheegatay Kooxda Al-shabaab, ayaa waxa si adag u cambaareeyay Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu Raysal-wasaaruhu ku yidhi  “Kooxda Al-Shabaab waxay u soo jeesteen in ay shacabka isku qarxiyaan, ma wadaan dan Soomaaliyeed, mana heystaan Diin, sidaas darteed waa inaan meel uga soo wada jeesano oo juhdi walba aan ku bixinaa.”

Qaraxan ayaa imanaya Toddobaad ka dib, weerar Al-shabaab ku qaadday Huteelka Pizza House ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen Dad ka badan 25 Ruux.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal