Mujahid, Ibraahim Dhaga-Wayne Oo Ka Digay Saldhiga Milatari Ee Imaraadka Carabtu Doonayo Inuu Ka Samaysto Berbera, Kana Dayriyey Xaalada Dalka + Muuqaal

Hargeysa (DMG)- Mujaahid, Ibraahin Cabdilaahi Xuseen(Dhaga-wayne) ayaa si adag uga hadlay saldhiga milatari ee xukuumada somaliland qorshaynayso inay dawlada Isu Taga Imaaraadka Carabta ka siiso magaalada Berbera.

 

Ibraahin Dhaga wayne ayaa sidoo kale ka hadlay arimo la xidhiidha doorashooyinka somaliland iyo xaalada uu ku sugan yahay xidhiidhka ka dhaxeeya somaliland iyo wadamada Itoobiya,jabuuti iyo guud ahaan beesha caalamka.

 

Ugu horayn Ibraahin Dhaga wayne oo ka hadlaya doorashooyinka ayaa shaaca ka qaaday inaanay suura gal ahayn in dalka doorasho laga qabto waxanu yidhi “Doorasho waa wixii aynu ku heshiinay ee sharciga ku qornaa xaalada maanta taagana waa mid abaareed oo culus taas oo bilaw ah, wakhtiga aynu abaarta ku jirnaa waa January  bilaha kale ee Feberuary iyo March iyagana waa abaar sidii aynu ilaahay ka arki jirnay laakiin ilaahay bariba roobka waa shubi karaa, waxaan leeyahay umadani maanta ma gali karto doorasho iyada oo aan roob di’in, inta roobku da’ayo ee la arkayo waa  in doorashada la joojiyo.”ayuu yidhi Siyaasi Dhaga wayne oo u waramay Star TV

 

Sidoo kale siyaasi Ibraahin Dhaga Wayne ayaa guddida doorashooyinka ugu baaqay inay is casilaan, waxaanu ku eedeeyey inay ka soo bixi kari waayeen hawlihii loo igmaday waxaanu yidhi ““Nimankaas guddida doorashooyinka aniga agtayda wax jiraba kama aha waayo hawshii loo dirtayba kuma filna, anigu waxaan odhan lahaa maanta hays casilaan oo ha yidhaahdaan hawshaas kuma filnin wixii dhibaato ah ee jirana dadka  haw sheegaan laakiin anigu waxaan arkaa dad aan xor ahayn oo aan waxba kala saari Karin oo wakhtiga aan qiimayn Karin oo waxa aan taagan garan Karin, waxaan u arkaa dad indha la oo ilaahay maro kaga xidhay indhihii,  waa bahalkii la odhan wax ayaa hareeraha kaga xidhan oo inta wajigiisa ayuunbuu arkayaa mana garan karayaan waxan hada taagan hadii aanay wax qiimayn karina in wax loo dhiibtaba maaha, intaas ayaa inagaga filan aragooda, barashadooda iyo taladoodaba, waxaanan odhan lahaa way ku fashilmeen hawshoodii.”

 

Siyaasi Ibraahin Dhaga wayne ayaa si weyn uga digay saldhiga milatari ee xukuumadu qorshaynayso inay magaalada Berbera ka siinayo dawlada Imaaraadka waxaanu yidhi “Saldhigaas milatari waa dhibaato weyn oo inagu timid, qaranka somaliland waa tii ay ku dumi lahayd,  nimankana lacag ayey rabaan, ma soconayso oo lama  keeni karo oo been ayuu isku sheegay ninkii yidhi waan keenayaa bal aanu is aragno cidii keenta.”

 

Ugu dambayn Siyaasi Ibraahim Dhaga wayne ayaa sheegay in xaaladu dalku haatan marayso meel halis ah, waxaanu shaaciyey inuu xun yahay xidhiidhka ka dhaxeeya somaliland, wadamada jaarka iyo beesha caalamka waxaanu yidhi ““waxaan  arkaa in  xaalada dalku  halis ku jirto dalkana way baabiiyeen waana baaba mana jiro, Jabuuti ayaan maanta kula socon oo itoobiya ayaa xaaladeena aragta oo aduunyadii ilaahay ayaa isku soo taagtay, wixii loo dhintayna maaha waana laysku  arkayaa tan, doorasho ma qabanayno kuwan asxaabta ahina inay xaalada runta ah ka hadlaan ayaa loo baahan yahay haday saldhig tahay iyo haday doorasho tahayba waana inay mawqif cad ka qaataan”.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal