Mudaharaad Lid Ku Ah Saldhigga Berbera Ee Imaaraadka Oo Maanta Ka Dhacay London

London (Dhamays) – Qaar ka mid ah Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, ayaa Maanta Mudaharaad Lid ku ah Saldhigga Milletari ee Dawladda Imaaraadku ka samaysanayso Magaalada Berbera ka dhigay meel ku dhow Safaaradda Imaaraadku ku leeyahay Magaalada London, si ay u muujiyaan inay ka soo horjeedaan Saldhigga Berbera.

Dadkan Qurba-joogta ah oo la sheegay inay Gacan dhanka Abaabulka ah ay ka helayaan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo Safaaradda Dawladda Soomaaliya ku leedahay Magaalada London, ayaa iyaga oo sita Calanka Somaliland iyo Boodhadh ay ku qoran yihiin Kalmado ay ka mid ahaayeen “NO BASE IN BERBERA” waxay isugu soo urureen meel ka soo horjeedda Safaaradda uu Imaaraadku ku leeyahay London, waxaana Dusha ka eegayey oo dhaqdhaqaaqooda la socday Ciidammada Booliiska ee Dalka Ingiriiska.

Boodhadhka Dadkani siteen, ayaa waxa kale oo ku qornaa “We Will not be Sillent” oo Macnaheedu yahay “Ma Aamusi doono”, iyagoo muujinayey inay ka soo horjeedaan in Imaaraadku uu Saldhig Ciidan ku yeesho Magaalada Berbera ee Somaliland.

Mudaharaadkan oo dhacay Xilli uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) fasax ku joogo Caasimadda London.
 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal