Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Sicir Bararka Oo Ka Dhacay Laascanood

Laas-canood (Dhamays)-Mudaharaad lagaga soo horjeedo Sicir bararka iyo kor u kaca qiimaha doolar ayaa ka dhacay Magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool.

Mudaharaadkan  oo u badanaa  Faras magaalaha Laascanood, ayaa  waxa Isugu soo Baxay dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira haween iyo Dhalinyaro, kuwaas oo ka Gadoodsanaa abaarta Ba'an ee Waddanka ka jirta oo ay  ugu biirtay sicir barar xadhakaha goostay iyo kor u kaca Qiimaha doolar oo gaadhay halkii ugu saraysay.

 

Dadweynahan gadoodsan ayaa ku dhaawaqayey erayo ay kaga soo horjeedan ganacsadaha keena maandoriyaha qaadka  Magaalada oo ay sheegen in uu sarifka boqolka doolar gaadhsiyey saddex milyan oo shillin

 

“ Waxaanu ka cabanaynaa Sicir bararka , waxaanu ka cabanaynaa nimanka danaystayaasha ah  waxaa na haysra abaar , colaad sokeeyey iyo sicir barar waanan ka dhidhiyaynaa , “ ayey tidhi mid ka mid ah haweenka banaanbaxaayey

 

Bulshoweynta gobolka Sool ayaa xukumadda usoo jeediyey in ay hoos u eegto xaaladdaha gobolka ama ay farah kala baxdo waxaana ka mid ahaa hadaladooda “ Xukumadda leh gobolka Sool waanu haysanaa hadii anney waxba ka qaban Karin waa in ay isaha baxdaa waxaa u tashan hooyooyinka iyo caruurta “

 

Guud ahaan goboladda Somaliland ayaa la daala dhacaaya Abaar daran oo xoolo ma reebto ah , Sicir barar , sarif barar iyo Xaaladdo Caafimaad darro.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal