“MIDOOWGA AFRIKA WAA IN UU AQOONSADAA SOMALILAND…”STEPHEN M SCHWARTZ

May be an image of 1 personSalaasa, November 9,2021
▪︎ Stephen M Schwartz oo qoray maqaalkan ayaa ah dibloomaasi sare oo Afrika u qaabilsanaa xukuumadii Barack Obama .Schwartz waxa uu qoray maqaalkan, kadib markii uu akhriyey maqaalka uu October 2021 uu qoray Joshua Meservey
Analysis- Falanqayn:
Tarjimaada Qoraalka Stephen M.Schwartz-
Joshua Meservey, oo ah falanqeeye sare oo dhinaca siyaasada ah, kana tirsan Hay’ada Heritage Foundation ayaa u ololeeyey Somaliland, kadib markii warqad siyaasadeed oo uu qoray uu ku qeexay in Maraykanka uu u aqoonsado Somaliland dal madaxbanaan.
Meservey waxa uu ka sheekeeyey sida Somaliland ay u soo afjartay midoowgii Soomaaliya May 18,1991, ayna markaas si guul ah isu maamulaysay 30 sanadood.
Somaliland waxa ka qabsoomay doorashooyin lagu tartamo, oo ay barbarsocdeen is badalo dawladeed oo nabad ah, waxaanay leedahay ciidan, dastuur,calan iyo baasaboor.
Dekeda Berbera, oo leh biyo qodan, ayaa waxa horumarinaysa Dubai Ports World ( DP World ), waxa ayna u koraysaa si xawli ah.
Somaliland waxa ay dhacdaa bariga Djibouti iyo dhinaca koonfureed ee Yemen ee Gacanka Cadmeed, waxana ay ku beegantahay marinka Babel Mandeb oo istiraatiijiyad ahaan mujiim u ah.
Meservey, waxa uu si saxa ugu doodayaa in aqoonsiga Somaliland ay siinayso Maraykanka is badalka ay u baahanyihiin, iyada oo dhinaca Djibouti, khataro badan uu ku hayo Shiinuhu, khatartaas oo taabatay xarumaha, shaqaalaha iyo hawlgalada Maraykanka.
Meservey waxa kale oo uu tilmaamay caqabadaha ku iman kara Maraykanka, marka uu Somaliland aqoonsado kadib.
Liiska uu soo taxay Meservey ayaa ah in cadaawada Shiinaha uu u qabo Somaliland, ee ka dhalatay xidbiidhka ay la leedahay Taiwan, ay taas keenayso in Shiinaha uu diido in Somaliland ay kursi ku yeelato Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay; iyo walaac kale oo ah in wadamada Afrika in markaas talaabadan ay ka cadhaysiin doonto, iyaga oo markaas u arka talaabadan mid kicinaysa gooni goosad ka bilaabma Afrika, iyo sidoo kale suuragalnimada ah, in Somaliland ay ku dambayn doonto sida Koonfurta Sudan iyo waliba Eritrea.
Meservey iyo anigaba waxa aan arintan u aragnaa mid aan suuragal ahayn, oo aan macquul ahayn, mana aaminsanin in xaalada gaarka ah ee Somaliland ay kor u qaadi doonto dhaqdhaqaaqyada gooni goosadka ee ka jira Afrika.
Waxa jira hab, hadii lagu guulaysto uu Maraykanka uu ku gaadhayo dhamaan faa’iidooyinka aqoonsiga Somaliland, iyada oo dhacdooyinka aan ka soo sheekaynay aanay dhicin.
Waa in Maraykanka uu la shaqeeyaa dawladaha Afrikaanka ah iyo kuwa kalaba, si uu Midoowga Afrika ugu qanciyo in uu hogaamiyo hanaanka lagu xalinayo maqaamka Somaliland.
Midoowga Africa waxa uu awood iyo sharci u leeyahay in uu arintan wax ka qabto, oo uu si awood leh ugu dhaqmo, iyada oo ay soo eegayaan indhaha Afrika iyo beesha caalamkaba.
Ururka Midoowga Afrika, waxa uu arintan hore u qaaday 2005, isaga oo wafdi xaqiiqo raadin ah u soo diray Somaliland.
Soo koobida natiijada Midoowga Afrika, ayaa ah mid si cad ugu wanaagsan sheegashada Somaliland, waxana ay Midoowga Afrika yidhaahdeen hadalkan hoose:
” Ictiraaf raadinta Somaliland waa mid taariikhiyan sax ah oo cad, waana mid gaar ah oo iskeed ay u sababeeyeen taariikhda siyaasada Afrika”.
Waxa ayna midoowga Afrika u soo jeedinaysaa in si aan dib u dhac lahayn ay arintan ugala hadlaan dawladaha Muqdisho iyo Hargeisa, iyada oo aan lala habsaamin.
Ururka Midoowga Afrika, kuma uu dhaqmin warbixintaas, doorkiisiina kama uu ciyaarin.
Hadda 16 sanadood kadib, waa wakhtigii uu Midoowga Afrika uu wax ka qaban lahaa.
Qaramada Midoobay waa golaha ugu sareeya aduunka, go’aankeeda ayaanay ku ogolaataa ama ku diidaa xubinimada wadan codsigiisa uu ku doonayo in uu ka mid noqdo xubin ka mid ah.
Wadanka codsanaya in uu ka mid noqdo Qaramada Midoobay waxa uu u baahanyahay cod laga helay ama cod la jeclaaday, codkaas oo ka imanaya Golaha Amniga, iyo taageerada codadka sadex meelood hal meel ee Golaha Guud.
Marka laga yimaado tixgalinta danaha gaarka ah ee wadamada Qaramada Midoobay ku jira, iyo mudnaanta markaas kiiska la soo bandhigay, dalalka waxa ay eegayaan mawqifka gobolka ay khusayso ee kiiskan Midoowga Afrika.
Hadii Somaliland loo ogolaado in ay ku biirto Midoowga Afrika, markaas waxa ay si fudud loogu ogolaanayaa in ay ku soo biirto Qaramada Midoobay, laakiin iyada oo aan ka noqon xubin Midoowga Afrika, lagama yaabo in ay ku soo biirto Qaramada Midoobay.
Shiinaha waxa laga filan karaa in uu Somaliland ka horyimaado mar kasta oo ay doonayso in loo ogolaado in ay ku biirto Qaramada Midoobay ilaa inta ay ka hadhayso Taiwan, arintaasna waxa ay u taalaa Somaliland.
Si loo go’aamiyo in Qaramada Midoobay ay eegto qadiyada Somaliland; Midoowga Afrika waxa u banaan in uu sameeyo afar shay:
1-In la abaabulo guddi xaqiiqo raadin ah oo cusub, si madaxda Afrika iyo madaxda kalaba ugu baraarugaan mansabka Somaliland ee wakhtigan
2- In la siiyo dawlada Federaalka Soomaaliya mudo kama dambays ah, mudadaas oo Midoowga Afrika uu bilaabayo wada xaajood u dhaxeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya, iyada oo lagu eegayo meeqaamka Somaliland iyo xidhiidhka labada maamul.
3- Waa in ay Midoowga Afrika ay hogaamisaa wada hadal u dhaxeeya Somalia iyo Somaliland, iyada oo loo baahanyahay in dhinacyada wadahadalka ay si niyadsami ah uga qaybgalaan ayna ku heshiiyaan natiijada mudo cayiman.
  
4- In hadii labada dhinac ay heshiis gaadhi waayaan, Midoowga Afrika markaas waa in uu soo bandhigo aragtidiisa ku aadan cida masuulka ka ah burburka heshiiska, isla markaana ay talo u soo jeediso Golaha Midoowga Afrika, iyada oo la qaadi doono talaabada ku xigta.
Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay shirar wada yeesheen ilaa toban jeer, tobankii sanee u dambeeyey, iyada oo laga hadlaayay maqaamka Somaliland, nasiibdaro wadahadalada ma ay noqon kuwo horumar laga gaadho.
Si wadahadalada u socdaan, waxa loo baahanyahay dhexdhexaadin adag, si looga gudbo shuruudo hordhac ah iyo diyaargarow la’aan labada dhinac ah.
Wadaxaajoodkana, waa in uu sugaa natiijada ka soo baxda doorashada dabadheeraatay ee Soomaaliya.
Awood la’aanta iyo gabashada ay Soomaaliya ka gabanayso wadaxaajoodka lagu xalinayo maqaamka Somaliland, ayaa waxa uu wiiqayaa dadaalada dib u heshiisiinta laftiisa, waxa ayna taas culays aan cadaalad ahayn u keenaysaa shacabka Somaliland.
In Somaliland ay madaxbanaani heliweydo ayaa waxa ay sababaysaa in aanay helin maalgashi shisheeye,kaalmo iskaashi,helitaanka suuqyada daymaha caalamka iyo lacagaha ka soo gali lahaa marka diyaaradaha ay isticmaalayaan hawadeeda.
Maamulada ka jira Soomaaliya, waa in aan loo ogolaanin in ay faa’iidooyinkaas u diidaan Somaliland, iyaga oo iska indha tiraya ama dib u dhigaya wadahadalada.
In Soomaaliya si dhaba ula hadasho Somaliland, waa ubucda arinta.
Caalamka waa uu u hogaansamaa marka wadan hore loo aqoonsanaa, sida Somaliland oo kale, uu marlabaad doonayo in uu soo ceshado aqoonsigii hore loogu fidiyey, waxana u hogaansama Qaramada Midoobay.
Tobanaankii sanee la soo dhaafay, ayaa wadamo hore uga tirsanaa wadan kale, ay dib u qaateen xoriyadooda, waxa ayna kuraasidooda ka heleen Qaramada Midoobay.
Itoobiya waxa ay ogolaatay madaxbanaanida Eritrea 1993.Indonesia waxa ay ogolaatay madaxbanaanida Timor Leste 2002, Serbia waxa ay ogolaatay madaxbanaanida Montenegro 2006, Sudan waxa ay ogolaatay madaxbanaanida Koonfurta Sudan 2011.
Serbia ma aqoonsana madaxbanaanida Kosovo, inkasta oo ay ictiraafsanyihiin ilaa 100 wadan, hadana kursi kuma laha Qaramada Midoobay.
Nooca aqoonsiga ee ay doonayaan waxa ay u taalaa madaxda iyo shacabka Somaliland, laakiin waxa aan qabaa in ay doorbidaayaan in ay noqdaan xubin buuxda oo ka tirsan Qaramada Midoobay, si ay u dhamaato sodan sanadood, oo ay sugayeen in la aqbalo.
Dadka qaar waxa ay aaminsanyihiin in maadaama Itoobiya dagaal sokeeye uu ka jiro, in markaas Midoowga Afrika aanu madadaalinaynin Somaliland, isaga oo ka baqanaya in gobolo ku yaala Itoobiiya ay madaxbanaani ku dhawaaqaan.
Laakiin taas ma aha mid run ah, laakiin waxa run ah taas cakiskeeda, waayo xasilooni darada sii kordhaysa ee Itoobiya, waa mid ku baaqaysa xasilooni weyn oo gobolka ka dhalata, taas oo cadaynaysa xidhiidhka Somalia iyo Somaliland.
Midoowga Afrika waxa uu u xilsaaranyahay dhexdhexaadinta nabadda iyo go’aan ka gaadhida madaxbanaanida.
Diirada dibloomaasiyada Maraykanka, waa in ay noqotaa sidii ay ugu qancin lahayd dawladaha Afrika iyo Qaramada Midoobay sidii ay u qaadi lahaayeen mas’uuliyadan.
Somaliland waxa ay madaxbanaanayd afar maalmood, laga bilaabo 26 June, 1960, kahor inta aanay la midoobin Soomaaliya, oo markaas ay noqdeen Somali Republic.
Maalintii ay xornimada qaadatay Somaliland, ayaa Xoghayihii Arimaha Dibada Maraykanka Christian Herter, uu warqad u qoray Golaha Wasiirada Somaliland.Warqada ayaa waxa uu ku qoray hadalkan hoose:
” Waxaan kuugu hambalyaynayaa guusha aad ku qaadateen xornimada.Tani waa mid taariikh ah oo mudan in la xuso, waxaana farxad ii ah in aan salaan diiran ka soo diro munaasabadan farxadda leh”.
Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken waa in uu tixgaliyaa soo jeedinta Josh Meservey, oo uu warqad la mid ah u qoraa maamulka Hargeisa.
Open chat
soo dhawoow walaal