Masuuliyiin Reer Saaxil Ah Oo Difaacay Safiirka Imaaraadka

Hargeysa (Dhamays) – Wasiirka Ganacsiga Dr. Cumar Shucayb Sheekh Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Madaxweynaha iyo Safiirka Imaaraadka ka difaacay eedaymo uu Shalay u soo jeediyey Xildhibaan Siciid Cartan oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland.

Xildhibaan Siciid Cartan oo ka soo jeeda Gobolka Saaxil, ayaa Shir-jaraa’id oo uu Shalay ku qabtay Magaalada Hargeysa wuxuu ku sheegay in Xukuumaddu doonayso inay dhul ku yaalla Xeebta Galbeed ee Gobolka Saaxil la wareegto, arrintaana uu abaabulayo Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil Cumar.

Xildhibaan Siciid Cartan oo ka tirsan Xisbiga WADDANI

Xildhibaanka oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “habeen dhawayd waxa Madaxtooyada la iskugu yeedhay Masuuliyiinta Gobolka Saaxil kaga jira Gobolka Saaxil. Kulankaa waxa lagaga arrinsanayey Saddex Qodob oo kala ah, dhul boob ku soo waajahan Gobolka Saaxil, gaar ahaan Xeebta Galbeed illaa meesha la yidhaahdo Xeedho, halkaas oo ay leeyihiin 3 kun oo Qoys oo Sharciyaddoodii haystaa, dhulkaas ayaa la doonayaa in Xukuumadda Siilaanyo ee Wakhtigeedu Gebaabsiga yahay ay Gacanta sii mariso.”

Xildhibaan Siciid Cartan waxa kale oo uu sheegay “Qodobka labaadna waxa weeyaan oo Shirkaa waxa wax la iskaga waydiiyey sidii indhaha Dadka looga weecin lahaa Fashilka ku dhacay DP World, qodobka Saddexaadna waxa weeyaan in samaynta Guddiga Maamulka Dekedda in Bulshada laga qariyo oo si aan Caddayn loo sameeyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu arrimahaa ku eedeeyay inuu wado Safiirka Somaliland u jooga Imaaraadka Baashe Cawil Cumar.

Xildhibaanku waxa kale oo uu sharci-darro ku sheegay ansixintii heshiiska Imaaraadka uu Saldhigga Milletariga kaga furanayo Magaalada Berbera.

Laakiin, Wasiirka Ganacsiga Dr. Cumar Shucayb Sheekh Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor iyo Xildhibaan Dayib Xasan oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo Jimcaha Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa Safiirka Imaaraadka ka Raali-geliyey eedaymaha uu u jeediyey Xildhibaan Siciid Cartan oo ay isku Gobol yihiin.

Bidix, Agaasimaha Guud ee W.Waxbarashada Axmed Abokor, Wasiirka Ganacsiga Dr. Cumar Shucayb iyo Xildhibaan Dayib oo Guurtida ka mi ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu ka jawaabaynaa Eedaymihii cuslaa ee uu Xildhibaan Siciid Cartan u jeediyey Masuuliyiinta Xukuumadda, Madaxweynaha iyo Qarannimada Somaliland. Waxaan leeyahay Nin weyn oo Hadal ka dhacay waa Geed Qolofi ka dhacday. Markaa waxaan halkan Xaal ka siinayaa Madaxweynaha JSL iyo Qoyskiisaba Aflagaadada Qaawan ee uu Xildhibaanku u jeediyey.”

Wasiirka Ganacsiga iyo Xildhibaan Dayib ayaa iyaguna hadalka Xildhibaan Siciid Cartan Xaal ka bixiyey.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal