Magacyada Laba Dumar Ah Oo Walaalo Ah Oo Uu Qaaday Dooxa Aw Barkhadle

Aw Barkhadle (Dhamays) – Inta la ogyahay laba Dumar ah oo Walaalo ah ayaa Daad ku qaaday Dooxa Aw Barkhadle oo mara Jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera Galabnimadii Maanta.

Daadka Labada Dumarka ah ku qaaday Dooxa Aw Barkhadle, ayaa waxa uu ka dhashay Roobab Maanta ka da’ay deegaannada Galbeedka ee Somaliland, gaar ahaan Hargeysa iyo Waqooyigeeda.

Labadan Dumarka ah oo Walaalo ah, ayaa mid ka mid ah Meydkeeda la helay Caawa Fiidkii, halka ta kalena la Raadinayo Raq iyo Ruux, ka dib markii uu iyaga iyo Gaadhi Seeraf ah oo ay wateenba uu Daadku la tagay.

Ehelada Labada Hablood ee Midna Meydkeeda la helay, midna la raadinayo, ayaa waxay dhamays u sheegeen in la kala yidhaahdo labada Hablood Asma Maxamed Yuusuf iyo Foosiya Maxamed Yuusuf.
 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal