Magacyada 7 Qof Oo Ku Dhintay Shilal Ka Dhacay Gobollada Saaxil Iyo Gabiley

Gabiley (Dhamays) – Alle ha u naxariistee waxa Maanta Shil ku dhintay 7 Ruux, waxaana dhaawacmay tiro kale.

Shilka koowaad, ayaa dhacay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Gabiley iyo Kala-baydh ee Gobolka Gabiley, waxaana halkaa ku Geeriyooday Afar Qof oo midkood ahaa Guddoomiyihii Magaalada Kala-baydh iyo Saddex Qof oo kale.

Dadkaasi waxa  Tacsi ah u diray Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, sida lagu sheegay dhambaal soo gaadhay Dhamaysnews.com oo u dhignaa dhignaa sidan:-

TACSI GUDDOOMIYE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee afarta marxuum ee kala ah;

Marxuum Cabdillaahi Cismaan Diiriye oo ahaa Guddoomiyihii magaalada Kalabaydh ee Gabiley

Marxuum Biixi Maxamed Maxamuud

Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud

Marxuum Axmed Sh. Maxamed Muxumed

Oo dhammaantood ku geeriyooday shil laba baabuur oo isku dhacay deegaanka Carro-tuul oo u dhexeeya Gabiley iyo Kalabaydh galabta oo taariikhdu tahay 08/10/2017, iyadoo shan qof oo kale oo ku dhaawacmay shilkaasina xaaladooda lagula tacaalayo cusbitaalka guud ee magaalada Gabiley.

Guddoomiyuhu waxa uu afartaasi Marxuum oo uu ku tilmaamay muwaadiniin qaranka ka baxay uu Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, kuwa ku dhaawacmay shilkaasina uu caafimaad buuxa ugu deeqo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.”

Dhanka kale, Shilka labaad oo dhawaan ka dhacay inta u dhaxaysa Degmooyinka Sheekh Iyo Burco, ayaa waxa ku Geeriyooday Saddex dhallinyaro ahaa oo ka mid ahaa Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Waxa ehelkii iyo Qaraabadii ay ka Geeriyoodeen Dhallinyaradaasi Tacsi u diray Guddoomiyaha, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), sida lagu sheegay qoraal Tacsi ah oo soo gaadhay Dhamaysnews,com, una dhignaa sidan “Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI, ayaa waxa uu shacabka Somaliland ka tacsiyadeynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee saddex dhallinyar ah oo ka mid ahaa taageerayaasha Xisbiga WADDANI oo dhawaan shil baabuur ugu geeriyooday jidka u dhaxeeya Sheekh iyo magaalada Burco.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa sida oo kale uu tacsi taas la mid ah gaadhsiinayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ay ka baxeen Marxuumiintaasi isaga oo tilmamay in ay ka mid ahaayeen taageerayaasha Xisbiga WADDANI sida oo kale na ay ahaayeen dad aad u wanaagsan oo dhallinyaro ah.

Guddoomiye Cirro, wuxu Marxuumiintaas Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa, Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii ay ka baxeen uu Eebe Samir iyo iimaan ka siiyo…Amiin…Amiin”

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal