Madaxweyne Silaanyo Oo Sameeyay Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabid (Akhriso)

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland MD Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa xilkii ka qaaday Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, isla markaana  masuul cusub u magacaabay xilkaasi.

Sidaana waxa lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada oo u dhignaa sidan, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4734/052017, uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Ku:    Mudane, Xasan Cali Cismaan,

Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka JSL  

Mudane,

Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay, Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hannan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabid

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka

Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku (RDA) u leedahay dhismaha iyo horumarinta Qaranka.

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo.

Markuu ku Qancay: In uu hannan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Ibraahim Siciid Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Ibraahin Siciid Cilmi, oo aan xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.”

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.