Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa soo saaray digreeto uu maareeye cusub ugu magacaabay Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka, sidaana waxa lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Dhamaysnews.com waxaanu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Xeer Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-5038/092017 Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Xidhiidhinta Raashinku u leedahay Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee FCA (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hannan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cali Diiriye Axmed (Maalin-tacab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL