Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ugu Baxay Bariga Dalka

Berbera (Dhamays) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa Maanta gelinkii dambe gaadhay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa Berbera kaga qayb-galay munaasabad ballaadhan oo Shirkadda DPWorld kusoo bandhigtay qalabkii ugu tirada badnaa ee lagu soo kordhiyo Dekadda Berbera, sidoo kalena Madaxweyne Siilaanyo ayaa duleedka galbeed ee Berbera ka dhagax-dhigay Dhul lagu qiyaasay dhawr iyo toban KM oo laga dhisi doono Goob Dekadda Berberi oo la dhigi doono Alaabooyinka Dekedda ka soo dega.

Dhagax-dhigga Dhulka (Free-zone), ayaa waxa Madaxweynaha warbixin ka siiyey Wasiirka Qorshaynta Maxamed Ibraahin Aadan (Qabo) waxaanu yidhi “Mudane Madaxweyne waxa aynu dhagax dhigaynaa Free-zone-kii Berbera, oo cabbirkiisu yahay 1200 oo Higter, Free Zone-ku waa waxyaabaha lagu xasuusan doono, ama ay taariikhdu xusi doonto ee ku cusub saaxada Somaliland, hadday tahay Dekad la balaadhiyaba, taariikhdu in badan ayey ku xusi doontaa, waxyaabah laga faa’iido Goobta Alaabta Dekedda la dhigi doono waxa ka mid ah shaqo abuurka, haddaynu Dekedda Jabal Cali ee Imaaraadka tusaale u soo qaadano waxa subaxdii u shaqo taga boqol iyo kun oo qof, waxa degan todobada kun oo Shirkadood, Haddii Alle yidhaahdo waxa aynu halkan ka filaynaa in shaqaalaha ugu badan ee Somaliland in ay halkan ka shaqo gali doonaa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Aad ayaa ugu farax-sanahay in aan dhagax-dhigo mashuucan Free zone-ka, kaasi oo ahmiyad aad u weyn leh, qiimo weyna leh Dalka, Insha-alaahu Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu noqdo kii lagu guulaysto ee noqdo mid waxtar u leh Qarankan iyo ummaddiisaba.” 

Madaxweynaha iyo Weftigaasi ayaa intaasi ka dib gaadhay Saldhigga Milletari ee Dawladda imaaraadku ay Berbera ka samaynayso, isaga oo Madaxweynuhu uu kormeeray Dhismaha saldhigaasi, qaybahiisa kala duwan oo ay ka mid tahay Deked u gaar ah saldhiggaasi, waxa halkaasi Madaxweynaha Warbixin ku siiyey khuburada gacanta ku haysa dhismayaashaasi.

Madaxweynaha iyo weftiga ayey ugu dambayn gaadhay Marsada caalamiga ah ee Berbera halkaas oo ay ka fureen mashaariic cusub iyo qalab cusub oo ay keentay shirkadda DP World, waxaana loo qabtay munaasibad balladhan , iyada oo uu ugu horeyn Madaxweynuhu warbixin ka dhagaystay ku-simaha madaxa Shirkadda DP World ee Somaliland Mr. Superchia oo ka xog-warramay tirada qalabka ay ku soo kordhiyeen Dekedda oo lagu soo bandhigay barxada Dekedda, kuwaas oo ka koobnaa (4 fork liftaro) casri ah, 10 Gaadiidka loo yaqaano Tareelayaasha oo konteenarrada qaada, 2 kalmar oo casri ah iyo10 seebaydharo casri ah oo kor u qaadi adeega guud ee Dekadda Berbera.

Mr. Superchia waxa kale oo uu sheegay in muddadii koobnayd ee ay dekadda ay gacanta ku hayeen ay ku talaabadsatay dekadu horumar mug leh oo dhinac kasta ah, iyadoo 60% ay kor u kacday adeegga Dekedd ee dejinta kontiinarrada, halka dakhliga adeega Dekedda uu gaadhay meel wanaagsan.

Sidoo kale, waxa uu xusey in ay gacan weyn ka geystaan horumarinta adeegga bulshada ee Gobolka Saaxil, sida caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada.

Maareeyaha Dekedda Berbera, Gudoomiyaha shirkadda shaqaalaha xoogsatada Dekedda Ciise Cali  iyo Madaxa hawlgalinta DPWorld ee Dekedda Berbera Faysal Xabashi, ayaa Madaxweynaha War-bixin ka siiyey Hawlahooda iyo Horumarinta Dekedda lagu wado.

Maamulaha Kastamka Dekedda Berbera ayaa isna dhankiisa waxa uu shaaca ka qaaday inay kordheen cashuuraha Dekeddu 580%, kontiinarada canshuurtooduna korodhay 30%, halka canshuurta kastamku korodhay 10%.

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland  Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa ka war bixiyey Ujeeddada safarka Madaxweynaha waxaanu yidhi “ Weftiga Maaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo uu hor-kacayo, ujeeddada u weyn ee aanu u soo baxnay waxa ay ahayd laba arrimood, in Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa u kuur-galaan, mashaariic waaweyn oo waddanka laga fuliyey xadhigga ka jaraan, qaarna dhagax dhigaan, sidii Free Zone-kii, oo faa’iido weyn u leh qaranka Somaliland, Madaxweynuhu wakhtigii ugu dambeeyey ee muddo xilikeedkiisa ayuu ku jiraa, tacabkii ay beereen midhihiisii soo baxay in aanu indho-indhayno oo isha ku dhufano, oo aragno aad iyo aad ayey muhiim u tahay, shacabka aanu marag gashano.” Ayuu yidihi Wasiir Xaashi.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) gebo-gabadii munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay muhiim gaara u leedahay Qaranka qalabkan lagu soo kordhiyay Dekedda Berbera, waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan Munaasibaddan ka soo qayb galo, Dekedda Berbera kordhinteeda iyo horumarinteeda aad ayaan ugu farax-sanahay, Insha Allaahu tacaalaa horumarkaas aynu dalka ka samaynay, ee Dekeddu samaysay waa mid dalka iyo dadku u baahan yahay, waa mid aynu maalin-ba maalinta ka sii damabaysa ka soo kordhin doono, IlLAAHAYNA waxa aynu ka baryeynaa in uu inala gacan qabto oo guul iyo horumar aynu ka gaadhno.” 

Geesta kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xadhigga ka jaray, dhismaha cusub ee xarunta Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, oo ay hir galisay Wasiirka Wasaaradaasi Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Dhismahaasi oo ah dhisme ka kooban laba dabaq ayaa waxa Madaxweynaha ku qaabilay, masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo ay horkacaysay Wasiir Samsam Cabdi Aadan, markii uu xadhigga ka jaray ka dibna, wuxuu kormeeray qaybaha uu dhismahaasi ka kooban yahay.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal