Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Badhasaabka Gobolka Hargeysa Iyo Masuulkaasi Cusub Oo Ka Mahad-celiyey Xilka Loo Magacaabay + Video

Taariikh: – 18/01/2017, WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4495/012017 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:               Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:               Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:        Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Aqoonsaday:     In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday:     Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:       In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

  Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal