Madaxweyne Siilaanyo Oo Caawa Isku-Shaandheyn Sameeyay

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Caawa isku-shaandheyn kooban ku sameeyay Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa.

Madaxweynaha ayaa Wasiiru-Dawlaha wasaaradda Biyaha Mahdi Cismaan Buuri u beddelay oo u Magacaabay Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland, halka uu Wasiiru-Dawlihii Biyahana u Magacaabay Masuul cusub.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4933/072017          uu ku magacaabay laba wasiiru-dawle.

MADAXWEYNUHU:

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiiru-Dawlayaasha Wasaaraddaha Kalluumaysiga & Khayraadka Badda Iyo Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel hore Wasiirudawlaha Biyaha)

 2.In Mudane, Cabdi-qaadir Maxamuud Sheekh Muxumed (Cabdi-qaadir Dhagaweyne), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Afhayeenka Madaxtooyada JSL.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal