Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Wefti Uu Hoggaaminayo Safiirka Maraykanka Ee Somaaliya + Muuqaal

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna Ku simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday safaaradda uu Maraykanku ku leeyahay Nairobi iyo madaxa hay’adda USAID xarunteeda magaalada Nairobi oo Jamhuuriyadda Somaliland ku yimid safar muhiima.

Kulanka ku simaha Madaxweynuhu la yeeshay waxa ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibada, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka warfaafinta, wasiirka diinta iyo aw-qaafta, wasiirka degaanka iyo wasiiru-dawlaha madaxtooyada. Geesta kale weftiga uu hogaaminayey safiirka Maraykanka Mr. Stephen M. Schwartz, waxaana ku wehelinayey madaxa hay’adda USAID Mr  Alex Dickie.

Kulanka waxa diiradda lagu saaray xoojinta cilaaqaadka ee dawladaha Somaliland iyo Maraykanka, ka war haynta arrimaha doorashooyinka iyo xaalada abaaraha ee Somaliland ku dhuftay sanadihii la soo dhaafay.

Wasiirka amuuraha dibeda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa saxaafadda la hadlay markii kulankaasi soo idlaaday, waxaanu yidhi “Saaka waxa halkan bookhasho inoogu yimi wefti ka socday safaaradda Maraykanka oo uu hogaaminaayo safiirka Maraykanka Soomaaliya iyo Somaliland ee fadhigiisu yahay Nairobi Stephen M. Schwartz iyo madaxa haya’dda USAID. Waa markii ugu horaysay ee ay ina soo siyaartaan si ay ula kulmaan dawladda, asxaabta iyo ururada bulshada si ay ugu kuur galaan xaaladeena xaga baaraha, doorashooyinka, xaga bulshada iyo dhinacyo fara badan.”

Wasiir Sacad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Saaka shirkaa waxa noo guddoomiynayey Madaxweyne ku xigeenka si aad iyo aad u wanaagsan ayuu noogu dhacay, si saraaxad leh waanu isugu warranay waxa aanu rajaynayaa awalba cilaaqaadkeenu uu wanaagsana inaga iyo Maraykanka inuu ka sii wanaagsanaado intii hore, insha Allah waxa aanu rajaynayaa inay mar kale nagu soo noqdaan musqablka..” ayuu yidhi.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal