
Inta la xaqiijiyey ku dhawaaad 17 qof ayaa ku geeriyoodeen weerarka, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 30 qof oo kale.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ka tacsiyeeyey geerida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee argagixisadu ay sida gaadmada ah ugu laayeen mid ka mid ah hoteellada ku yaala Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada uu leeyahay falkan arxan darrada ah maadaama cadowgu ay doonayaan in ay ku dhibaateeyaan kobaca amniga, dhaqaalaha iyo xasiiloonida Caasimadda oo dadaal badan la geliyey.
“Ujeedka ugu weyn ee argagixisadu ay u qaadayaan weeraradan gaadmada ah waa in ay niyad jabiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ka soo kabanaya duruufaha adag. Waa xaqiiq in qorshahoodu uu yahay mid lagu dhibaateynayo qof kasta oo Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee la marin habaabiyey.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u weydiiyey caafimaad deg-deg ah dhammaan muwaadiniinta ku dhaawacmay weerarkan argagixisanimo, isagoo ugu baaqay shacabka in ay garab istaagaan walaalahooda ay argagixisadu dhibaateeyeen.