Madaxweyne Biixi Oo Madaxtooyada ku Qaabilay Aqoonyahanad ku Xeel Dheer Arrimaha Ataarta Qadiimiga ah.

Hargeysa (Dhamays)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta qaabilay Aas-aasaha, ahna agaasimaha fulinta ee ururka Horn Heritage Organization, Dr. Sada Mire.

Ugu horrayn agaasimaha ahna Aas-aasaha ururka, Dr. Sada Mire ayaa madaxweynaha warbixin iyo sharraxaad dheer ka siisay muhiimadda ay qaranka u leeyihiin goobaha taariikhiga ah ee ku duugan dalka oo ay ku samaysay cilmi-baadhis qoto dheer taasoo muddo qaadatay, iyadoo wakhti gelisay sidii dadka ku dhaqan Somaliland wax uga ogaan lahaayeen taariikhihii qadiimka ahaa ee uu soo maray dalkoodu qarniyadii kala danbeeyey.

Ururka Horn Heritage Organization oo ka shaqeeya goobaha ay ku duugan yihiin taariikhaha iyo Ataarta qadiimiga ah oo muddo ku hawlanaa sidii goobaha taariikhiga ah ee Somaliland bulshada caalamka loogu bandhigi lahaa, ayay Dr Sada Mire ka diyaarisay goobahaas Buugaag dhaxal-gal ah oo xambaarsan taariikho ku siman boqollaal sanno oo ay haatan gacanta ku hayso wasaaradda ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku bogaadiyay aqoonyahanad Dr Sada Mire wakhtiga naf-huridda ah ee ay gelisay sidii ay wax uga qori lahayd Ataaraha qadiimiga ah ee ku duugan dalka, taas oo ay si muwaadinimo ah isugu xilqaantay inay diyaariso xogo muhiima oo muujinaya qarniyadii ina dhaafay iyo raadadkii aynu soo marnay welina ka sii muuqda dalka.


ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Open chat
soo dhawoow walaal