Madaxweynaha Taiwan Oo Ka Farxisay Somaliland, Shiinahana ka Nixisay Iyo Sababta

Hargeysa (Dhamays)- Madaxweynaha dalka Taiwan, Mrs. Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in xidhiidhka ay la yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid ay ku wadaagaan dhinacyada qiyamka dimuqraadiyadda, Xornimada, Caddaaladda iyo isku-xukunka sharciga.

Madaxweynaha Taiwan, ayaa farriin muuqaal ah oo ay soo duubay maanta lagu soo bandhigay xafladda ay dawladda Taiwan ku furatay Safaaraddeeda Somaliland, waxanay ku sheegtay inay ka go’an tahay dalkeeda inay Somaliland kala shaqeyso Arrimaha Beeraha, Kallumaysiga, Macdanta, Caafimaadka, Tamarta, Waxbarashada iyo Wararka iyo wada-xidhiidhka.

Wasiirka arrimaha dibedda Taiwan, ayaa caddeyay inay dawladda Somaliland la saxeexdeen heshiis farsamo oo labada dal iskaga kaashanayaan mashaariic kala duwan. Waxaanay intaas ku dartay in guddiyo farsamo u dirayaan Somaliland, Faah-faahinta warkaasi Halkan hoose Ka Daawo.

Open chat
soo dhawoow walaal