Madaxweynaha Soomaaliya Oo Qiray Xasuuqii Taliskii Siyaad Barre U Geystay Reer Somaliland

Muqdisho (DMP) – Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo maanta hadal ka jeediyey shir Garsoorka Somalia ay yeesheen ayaa raaligalin iyo cudur-daar ka bixiyey Xasuuqii shacabka Somaliland ay u gaysatay Taliskii Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ka garaabayo wixii xumaa ee dhacay in la iska cafiyo, isla markaana wixii ka dhacay Waqooyiga (Somaliland) inuu cudurdaar ka samaynayo iyo inuu raaligalin ka bixinayo, wixii loo gaystay dadka walaalaha ah intii dhimatay iyo intii dhaawacantayba.

Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Garawshiiyo ayaa loo baahan yahay in wixii xumaa ee dhacay la iska cafiyo, wax alla wixii Jabtar madow ahaa ee taariikhdeena galay inaynu saxno, macnaheedu waxay tahay dhibkaasi ka dhacay waqooyi inaanu cudur-daar aan ka samayno, inaanu raaligalin ka samayno, dadkaa walaalaheen ah intii dhimatay iyo intii dhaawacantay aynu nidhaahno taariikh xun bay ahayd wixii dhacay, waa wax aynu soo marnay.”

Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Runtii wixii halkaa (Somaliland) dhacayna ma ahayn koonfur oo ku duushay waqooyi, wax qabiil ku salaysana may ahayn, waxay ahayd hanaan dawli ah oo jiray (Sidaa darteed) Anigoo Madaxweynihii Qaranka ah, Inaan cudur-daarkaa sameeyo oo raaligalintaa aan gaadhsiino walaalaheen reer Waqooyi idinkuna aad ila qaadataan.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in loo baahan yahay inay cudur-daar sameeyaan dadkii hubaysnaa ee xilligaa la dagaalamayey Ciidamadii Taliskii Siyaad Barre “Dhankii kale ee iyaga laftigoodu qoryaha watay iyagana cudur-daar ayaa laga rabaa..”

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ma sheegin in dawladda Somalia ay wax magdhaw ah ka bixinayso xasuuqa loo geystay Shacabka Somaliland iyo in si kale looga wada xaajoonayo talaabooyinkii foosha xumaa ee lagu galay magaca Soomaaliya sanadihii sideetamaadkii.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal