Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Xasuuqa Muslimiinta Burma

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay Xasuuq ay Ciidammada Dawladda Burma ku hayaan Dadka Shacabka ah ee Qoomiyadda Muslimiinta ah ee Rohinga ee Dalkaasi.

Madaxweynuhu wuxuu Dawladda Burma ugu baaqay inay joojiso Tacadiyada ay ku hayso Dadka Rayidka ah ee Rohinga, waxaanu War-saxaafadeedkiisu u qornaa sidan “Waxaa aad walaac noo galiyay wararka  iyo muqaallada  ku saabsan xad-gudubyada aadminimada ka baxsan ee ay Dawladda Meyanmar ku hayso Qoomiyadda Rohinga. Waxaanu Ka codsanaynaa Xukuumadda Dalka Myanmar,  inay Joojiso  Weerarada naxdinta  leh ee Diin ahaan iyo isir ahaan loogu bartilmaameedsanayo Dadka rayidk ah ee kasoo jeeda dadka Rohinga iyo Xukumaddu ogolaato sidii gar-gaarka aadminimo loo gaadhsiin lahaa dadka aadka ugu baahan. Waxaanu ka codsanaynaa inay Bulshada Caalamku, gaar ahaan Qaramada Midoobay inay qaaddo tallaabo deg-deg ah oo lagu joojinayo Ololaha Xasuuqa ah ee lagu hayo Qoomiyadda Rohinga ee ku nool Dalka Meyanmar..”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal