Madaxweynaha Iyo Marwadiisa Oo La Dardaarmay CIRRO

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta Madaxtooyada ku qaabiley Gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani oo maanta si rasmi ah iga casilay xilkaasi.

Kulanka Madaxweynuhu markii uu soo dhamaaday waxa saxaafadda la hadlay afhayeenka Madaxtooyada iyo Guddoomiye Cirro.

Afhayeenka Madaxtooyada oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Maanta soo booqday Guddomiyaha ahna Musharaxa xisbiga Waddani oo Maanta si rasmi ah iskaga casilay xilkii mudada dheer uu u hayay qaranka ee ahaa guddomiye-nimadii golaha wakiilada. Madaxwaynuhu waxa uu guddomiyaha uga mahad celiyay wakhtiga dheer ee ay soo wada shaqeeyeen waxaanu ku booriyay inuu qaranku halkaa ka sii taabo-geliyo, wuuna u duceeyay Musharaxa iyo Musharaxiinta kaleba wuxuuna ku booriyay in danta qaranka wax walba ay ka horaysiiyaan" ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada JSL Xuseen Dayr.

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Sidaa uu sheegay Afhayeenku maanta waxaan banneeyay jagadii guddomiye-nimo ee golaha wakiillada Somaliland iyadoo doorashadii inoo qabsoomayso 13/Novembar/2017, sidaa awgeed, maaddaama aan qaranka masuuliyad u hayay waxaan soo booqday Madaxweynaha qaranka oo aan ku war-gelinayay in aan banneeyay hawshaas iyo dar-daaran wuxuuna sii farayaba, waxaanu Madaxwayanaha isla fahamnay in mudnaanta la siiyo danta qaranka, doorashooyinkuna wakhtigoodii inoogu qabsoomaan"

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal