Madaxweynaha Cusub Oo Magacaabay Maareeyaha Duulista Iyo Madaarrada Somaliland

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Wareegto uu Maanta soo saaray ku Magacaabay Maareeyaha Duulista iyo Madaarrada Somaliland.

Sidaana, waxa lagu cadeeyey wareegto Madaxweyne oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay dhamaysnews.com waxaanay u dhigneyd sidan:-

Wareegto Madaxweyne, Magacaabid.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hannan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: Wada-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.”

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal