Madaxweynaha Cusub Oo La Dhaariyey Ee Somaliland, Shacabkana Khudbad U Jeediyey

Hargeysa (Dhamays) – Munaasibad ballaadhan oo Maanta lagu qabtay Barxadda Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxa Xilka Madaxweyne-nimo kula wareegay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana Xilkaa ku wareejiyey Madaxweynaha Xilku ka dhamaaday Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.

Munaasibaddan Xil-wareejinta oo ahayd Mid aad loo bilay, ayaa waxa ka qayb-galay illaa 1500 Qof oo kala socda Dalalka Afrika, Midowga Yurub, Ingiriiska, Madax-dhaqameed ka socda Deegaannada Soomaalida iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan.

Xafladdan oo si Toos ah looga baahinayey Telefiishannada Afka Soomaaliga ku hadla oo dhan, ayaa waxa Khudbado ka jeediyey Madaxweynihii hore ee Xilka Wareejiyey Mudane Axmed-Siilaanyo, Madaxweynihii Saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana markaasi ka dib Xilka loo dhaariyey Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaanu markaasi ka dib halkaa ka jeediyey khudbad dheer oo dhinac badan taabanaysay.

Mahad-celin iyo soo dhaweyn uu u jeediyey Wufuudda Xafladda ka soo qayb-galay ka sakow, waxa uu Madaxweyne Muuse ka warramay Taariikh dheer oo ku saabsan sababihii halgankii SNM, aasaaskii Jamhuuriyadda Somaliland, Marxaladihii kala duwanaa ee dhismaha Dawladnimada Somaliland soo martay iyo sida ay ku soo gaadhay heerkan Dimuqraadiyadda ah ee Madaxweyneyaashu Xilku kulak ala wareegaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu khudbaddiisa ku iftiimiyey sida uu doonayo in Xukuumadda uu soo dhisayaa u shaqayso, isagoo Carrabka ku adkeeyay in Hiigsigiisu yahay in Somaliland la tartanto Dalalkii ay isku itaalka ahaayeen ee Lixdamaadkii Gumaysiga ka xorowbay, si buu yidhi Somaliland u gaadho Horumar la taaban karo.

Halkan Hoose ka Daawo Khudbadihii Madaxweynaha Cusub, Madaxweynaha Xilka wareejiyey iyo Madaxweynihii ka sii horreeyay

 Dhaarinta Madaxweynaha cusub ee Somaliland

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal