Dubai (Dhamays) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa Maanta gaadhay Magaalada Dubai, ka dib markii uu ka soo kicitimay Magaalada Abu Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku sugnaa Maalmihii u dambeeyay.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo Madaxtooyadu u soo dirtay Maanta Saxaafadda, kaasi oo uu la socday muuqaal muujinaya Madaxweynaha oo dhex lugaynaya Dubai.