Madaxdhaqmeed Iyo Siyaasiyiin ka Qaylyay Maamul cusub oo ay sheegeen inuu ka Dilaacay Galbeedka Hargeysa

Hargeysa (Dhamays) –Cuqaasha, waxgarad iyo siyaasiyiin kasoo Jeeda Bulshada ku dhaqan maqaaxida inanta ee galbeedka hargaysa ayaa si kulul uga hadlay falal iskugu jira dhul boob,tacadi iyo xadhig ay ku hayaan kooxo isku bahaystay in ay xoog kaga qaadaan dhulka ay degan yihiin iyagoo farta ku fiiqay shakhsiyaadkaasi shaadhka dawlada usoo xidhay ee falalka ku haya bulshada degan deegaanka makhaayada inanta.

Sidoo kale cuqaashan iyo siyaasiyiinta ayaa baaq culus udiray maayarka caasimada, madaxwaynaha jsl, laamaha amaanka oo ay sheegeen in kooxdani Ka shaqaysanayaan shaqadii ay dawlada hoose uxil saarnayd islamarkaana ay boob ku hayaan dhulkii danta guud iyo beerihii bulshadani lahayd iyagoo maayarka ka codsaday in uu deg deg usoo gaadho, faahfaahinta warkaasi halkan hoose ka Daawo.

Open chat
soo dhawoow walaal