Maayarka Berbera Oo Lacag Ku Dhaw Nus Malyuun Dollar Ku Fasaxay Wajja-Hadda Hore Ee Birta Noobiyadda Berbera + SAWIRO

Berbera (Dhamays/Hubaal)- Maamulka Golaha Deegaanka ee degmada Berbera ayaa la sheegay in ay xoogaa aduun ah ku fasaxeen dhul Dan-guud ahaan Jiray islamarkaana ka caagan in cid gaar ahi yeelato, kaasi oo dhinaca ku haya biyaha badda  oo sharci ahaan ay mamnuuc tahay in loo dhawaadaa.

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Berbera ahna Maayarka magaalladaasi Mudane, Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) ayaa la sheegay ama laga weriyey in dhul dan guud ah oo qaranku leeyahay uu ka iibiyey mid ka mid ah ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland, kaasi oo laga siiyey lacag ku dhaw nus malyuun dollar.

 

 Dhulkan la iibiyay ayaa ah bogcadd muhiim u ah islamarkaana ah Barxadda ay ku taallo astaanta ay caanka ku tahay Berberi ee ay ka samaysan tahay Noobiyadda ay Maraakiibta ku soo xidhanaysa dekeddu soo bidhaansadaan ayaa sida ku cad dhukumentiyada iibka bogcaddani waxaa laga iibiyey Aasaaseha ahna Mulkiillaha shirkadda Dahabshiil Group Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, kaasi oo ku iibsaday lacag dhan   $ 480,000.

Sida ka muuqata heshiiska Iibka dhulkan oo horaantii sanadkan kasoo baxay Mid kamid ah Nootaayooyinnka sharciga ah ee Berbera ka hawlgala,   kaasi oo ay labada dhinac ku kala iibsadeen dhulkan ay ku taallo Noobiyaddu   oo ah Calaamada ay soo eegtaan gaadiidka badda ee ku socda marsada Xeebta dekeda berbera. Maayarka Berbera ayaa intuu sharci u samaystay hadana ka iibiyey shirkada dahabshiil oo ku qoran yahay mulkiilaha Shirkadaha Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale. Waxana  uu sharciga dhulka uu iibinayo ku samaystay magaciisa (Cabdi maxamud Xasan) inta waxa dheer in uu ku damiintay hantidiisa gaarka ah.

 

iibiyaha waxa saxeexay Eng. Maxamud Cali hayste oo ah Agaasimaha hawlaha Guud Ee Dowlada hoose waxana lagu qoray shirkada iibinaysa oo aan ahayn wax jira taasi oo lagu magacaabay SAAFI Co.

 

Heshiiskan lacagta badan lagu lunsaday (480.000$) ee lagu iibiyey dhul aan xeer ahaan la sharciyayn karin waxa markhaatiyo ka ahaa heshiiskan rag aad u culus oo ah Qoor weynti iyo labeenti magaalada berbera oo ay ka mid yihiin maxamuud cabdulahi farax, Cismaan Xaaashi Yuusuf iyo Xasan Cisman Ismacil.

 

Sida shuruucda dhulka ee dalka u degsani ay dhigayaan waxaa mamnuuc ah in lagu xad gudbo dhulka ka caagan in la iibiyo ee u dhaw badda, sida Xeer No. 17 oo isagu dhigaya in aanu sharcigu ogolayn in biyaha badda loo jirsado cabir dhan   220M.

Xigasho:- Hubaalmedia.net

Xigasho:- Hubaalmedia.net

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal