MAANTA: Dhacdooyinka Ku Lamaanaa Isku Soo-baxyadii Kulmiye

Hargeysa (Dhamays) – Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bannaanbaxyo baaxad leh oo taageerada xisbiga KULMIYE ah ku muujiyey maalinta labaad ee ololaha doorashada xisbul-xaakimka oo laga sameeyey guud ahaan gobollada iyo degmooyinka waddanka oo dhan.

Kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee 21 degmo doorasho ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa isu-soo-baxyo waawayn oo ay ku cabirayaan taageeradooda ay u hayaan xisbiga KULMIYE isugu soo baxay fagaarayaasha magaalo madaxda lixda gobol iyo degmooyinka ka jira dalka.

Burco

Bulsho-weynta ku dhaqan xarunta gobolka Togdheer ee Burco oo dhoolla-tuskii ugu ballaadhnaa ku muujisay taageerada laxaadka leh ee ay u hayso xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa maalinta labaad ee kaltanka ololaha madaxtinimada ee xibsiga KULMIYE, ayaa Maanta si ballaadhan buux-dhaafiyey xarunta Khayriyadda ee magaaladaasi, iyaga oo lulaya astaanta xisbiga KULMIYE, isla markaana qaybo jidhkooda ah kusoo xardhay astaamaha uu xisbigani caanka ku yahay, waxaana isu soo baxyadan kala qaybgalay Guddoomiyaha xibsiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno wasiirro ah, xildhibaaanno, maamulka xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan gobolka iyo guddida oloolaha ee gobolka Togdheer.

Isu soo baxan oo si weyn looga dareemay guud ahaanba magaalada Burco, isla markaana ay taageerayaasha oo gaadiidkooda wataa socod dheer kusoo mareen waddooyinka kala duwan ee magaalada, ayaa isugu soo biyo shubtay xarunta Khayriyadda iyaga oo gelbinaya murrashax Muuse Biixi Cabdi oo fuushan faras shaaximan, waxaana sawaxan iyo mushxarad ku soo dhaweeyey kumanaan taageerayaal ah oo ku sugnaa Khayriyadda.

Xubno isugu jira wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, haween iyo haldoor magac iyo maamuus ku leh gobolka Togdheer oo hadallo u jeediyey shacab-weynaha reer Burco ee taageeda u muujiyey xisbiga KULMIYE, ayaa si isku mid ah u sheegay inay Burco tahay madal uu si gaar ah xisbiga KULMIYE ugu xisaabtamo, isla markaana laga saadaaliyo guusha KULMIYE, waxana ay u mahadnaqeen taageerayaasha sida xamaasadda leh u muujiyey kalsoonida ay KULMIYE Iyo hoggaankiisa ku qabaan.

Guddoomiyaha guddida ololaha gobolka Togdheer Md. Jaamac Xaaji Axmed oo ugu horrayn hadal kooban u jeediyey taageerayaasha KULMIYE ee reer Burco, ayaa tilmaamay in isu soo baxani marag u yahay sida bulshadu ula dhacsan tahay hoggaaminta KULMIYE, isla markaana ay shacabku weli harraad daran u qabaan inuu KULMIYE hoggaanka dalka mar kale kusoo laabto si uu u dhammasytiro qabyooyinka tirada yar ee ku jira waxqabadka la mahadiyey ee uu muujiyey, “Waxaynu dooranaynaa mujaahid qiimo ku leh dalka iyo dadka, xisbi Xamar looga dabbaalgedayona codkeena siin mayno, waad ogaydeen in dorraad xisbiga WADDANI looga dabbaageldayey halkii aynu ku hoobanay oo Xamar ah, yeelinamayno inaynu Xamar ku noqono,” ayuu yidhi.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaguna Taageerayaasha KULMIYE ee Burco kala hadlay Fagaaraha khayriyada ayaa Dadweynaha Reer Burco u sheegay “Dalka waxa tartamaya Saddex Xisbi Qaran, Saddexduba waa Walaalo, laakiin waalla tartamayaa oo waa la kala badinayaa, haddii Alle yidhaahdo KULMIYE ayaa badin doona sow maaha ?, Codka uu ku badinayo waa Codkiina sow maaha? Musharraxa KULMIYE ayaad Codkiina siinaysaan sow maaha..”? ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaynu doonaynaa inaynu dhamaystirno Taariikhdaa wanaagsan ee Xisbiga KULMIYE, waxaynu Codkeena siinaynaa Musharraxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.”

Cabdicasiis Samaale waxa kale oo uu sheegay “Qofka KULMIYE ku yimid Xil loo dhiibay oo keliya, ee marka Xilkaa laga qaadano meel kale tagay isagaa Xor ah oo Madax-bannaan, laakiin maaha Xisbiga KULMIYE..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Annaga oo ILAAHAY iska xidhayna, Dadkana si wanaagsan Codkooda u waydiisanayna, waxaanu hubnaa in Maanta KULMIYE uu Boqolkiiba in ka badan uu helayo Codadka Shacabka.”

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbul-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo Dadweynaha Reer Burco u jeediyey khudbad dheer oo dhinac badan taabanaysay ayaa yidhi “Anigoo ku hadlaya Magaca xisbiga Kulmiye iyo Musharixiintiisaba waxaanu mahadnaq wayn u diraynaa guud ahaan dadwaynaha reer Togdheer gaar ahaan dadwaynaha Burco oo Maanta isku-soo baxa iyo taageerada ay muujiyeen ciroole iyo caruur, caalim, sheekh, waayeel, dhalinaro iyo hablo wiilalba leh, isu-soo baxaas aad ku taageerteen xisbiga Kulmiye waad ku mahadsan tihiin, abaal baad ku lahaydeen Kulmiye maantana waad kordhiseen. Xisbiga Kulmiye xuduntiisu waxay ku aasan tahay magaaladda Burco ee gobolka Togdheer oo Togdheer waa Kulmiye, Kulmiye-na waa Togdheer”.

Musharraxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu sheegay “Hal waxaan ka odhanayaa hawsha uu xisbiga Kulmye iyo hogaamiyihiisu qabtay, hal kalena waxaan ka odhanayaa hawsha inoo taala, halna waxaan ka odhanayaa xisbiga habawsan ee Waddani, mida 1-aad waxa la yaab leh ee aan la filaynin ee mujaahidiintii Koosaar lahaa ee Lixle lahaa ee Aadan Saleebaan lahaa ee Aadan Shiine lahaa ee Xasan Yoonis Habane lahaa ee Axmed Dhagax lahaa ee Cabdilaahi Suufi lahaa godka qaban maayaan maanta marka aynu maqalno xisbi Somaliland ah oo hogaaminta dalka u tartamaya ayaa Xamar laga soo hambalyeynayaa oo ay Xamar soo taageeraysaa oo xaflado loogu qabanayaa maaha wax la qaadan karro, adeer ragii dalkan u dhintay luxudkay la soo kacayaan. Sumuni iyo Lixle  iyo Ina Macalin Haaruun iyo Aadan Saleebaan iyo Aadan Shiine iyo Koosaar muxuu noqonayaa halgankii ay ku shiheedeen marka Xamar xisbi Somaliland ka jira looga talinaayo oo ma gayno oo Xamar taladeena ma aqbalno  oo waxba nagama dhaxeeyaan, isla markaana wixii na dhexmaray kamaanaan bogsanin oo nalooma garaabin oo Xamar qaranimadayada way diidan tahay ninka halkaa looga talinayaa isagay u taalaa oo shacabka Somaliland ayaa kala xukumi doona”.ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Mida labaa xisbiga Kulmiye toddobadii sanadood ee uu xukunka hayey wixii uu qabtay waanu ku faanaynaa oo umadduna way noo ogtahay, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo halgankuu qarankan u soo galay 50-kii sanadood ee uu ku jiray siyaasadda, waddadii uu jeexay iyo hawshii waday aas-aasaha xisbiga Kulmiye ayaa la raacayaa oo iyadaa la fulinayaa oo wixii hawlo qabyo ahna waa la qabyo tirayaa oo horaa loo soconayaa. Mida kale hawsha inoo taalaa maxay tahay kow, haddaynu Kulmiye nahay qarankan inuu noqdo qaran amni ah oo cadawga laga ilaaliyo dadkana la kala ilaaliyo gudahooda Kulmiye waa kow, dalka lagu aamini maayo ninka Xamar looga soo talinayo ee looga soo hambalyeynayo, laba waxa inoo yaala oo in la fuliyo la inooga baahan yahay horumarkii uu bilaabay Madaxwayne Siilaanyo ilaa 100-ka sano ee soo socda horumarkaasaynu wadaynaa”.

Hargeysa

Gobolka Maroodi-jeex oo xisbiga KULMIYE si ka duwan maalintii koowaad ee ololaha u sameeyey ololihiisa maalinta labaad, ayaa taageerayaasha xisbigu ku dabbaaldegeen degmooyinka kala duwan ee ay ku dhaqan yihiin.

Shanta degmo ee waawayn ee ay ka kooban tahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ee kala ah; Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Gacan-libaax, 26 June iyo Ibraahim Koodbuur, ayaa dadweynaha ku dhaqani bannaanbaxyo ay ku muujinayaan heerka baaxadda ballaadhan ee taageeradooda xisbiga KULMIYE ah ay ku soo bandhigeen fagaarayaasha iyo garoomada ku yaala degmo walba.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan KULMIYE, guddiga ololaha Gobolka Maroodi-jeex, wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil kale, ayaa kala qaybgalay shacabka degmooyinka Hargeysa ee isugu soo baxay fagaarayaasha kala duwan, kuwaas oo khubado kala duwan oo hambalyo, dhiirrigelin xog-warran siyaasadda xisbiga ah u jeediyey.

Boorama

Fagaaraha Khayriyada magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal waxa cuddudooda taageerada xisbiga KULMIYE ku muujiyey kumanaan qof oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga ee ku nool halkaasi.

Madax kala duwan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiirro kala duwan oo ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin iyo saraakiil ka mid ah xisbiga KULMIYE oo uu ku jiro Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo madax kale, ayaa shacabka reer Boorama kala hadlay fagaaraha Khayriyada, waxaanay ku dhiirrigeliyeen inay sidaa u sii wadaan ololaha nadiifta ah ee aan wax xajiin ah lahayn ee ay caanka ku noqdeen reer KULMIYE, isla markaana ay maanka ku hayaan in maalinta codbixinta uu qof waliba ku hubsado codkiisa inuu siiyo murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Saylac:

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE ee jagadaasi mar labaad Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ololaha xisbiga u jooga gobollada galbeedka Somaliland, ayaa maalinta labaad ee ololaha xisbiga ku gaalaa-bixiyey degmooyinka hoosyimaada Gobolka Salal.

Murrashax Cabdiraxmaan Saylici oo ay wehelinayaan masuuliyiin kala duwan oo ka kala tirsan xukuumadda iyo xisbiga, ayaa ololaha doorashada wejiga labaad ee kaltan KULMIYE ka bilaabay magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salal, halkaas oo uu u hoyday xalay. Intaa kadibna waxa uu socdaal ku maray deegaamo kala duwan oo ka mid ah gobolkaasi oo uu kala kulmay taageero ballaadhan oo ay ku qaabileen dadweynaha ku dhaqan.

Sidoo kale, degaammada kala duwan ee Gobollada Sanaag, Sool, Saraar, Buuhoodle, Oodweyne, Hawd, Saaxil iyo Gabiley ayaa shacabka ku kala dhaqani ay taageero indho daraaran ah ku soo bandhigeen fagaarayaasha ku kala yaal magaalooyinkooda, iyadoo masuuliyiin badan oo xisbiga KULMIYE ahi kala qaybgaleen, isla markaana uga jeediyeen khubado muhiim ah.

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal