MAAMULK WAJAALE OO DAMACSAN INAY SI HOOSE UFASAXAAN ARIN AY SIDA FIINTA UGA QAYLIYEEN GAADIIDLEYDA IYO MURUQ-MAALKA MAGAALADU

Wajaale (Dhamays)- Gaadiidlayda Iyo Muruq maalka ka Xoogsada khudaarka laga keeno dalka itoobiya ee Magaalo Xuduudeedka Tog Wajaale ayaa mudooyinkii udanbeeyay ka Cabanayay ganacsade reer somaliland ah oo shuraako la ah Ganacsade itoobiya oo doonaya in kooto loogu xidho gadiidka khudaarta ka keena Dalka itoobiya in ay gudaha somalland Toos usoo galiyaa taasi oo ay ka xoogsadaan boqolaal Muwadiniin ahi oo ku dhaqan magaalada ganacsiyeedka tog Wajaale ayaan wali xukuumadu wax jawaab ah ka bixinin Cabashadooda taasi oo badalkeedii ay ganacsadaha reer Somaliland oo adeegsanaya shaadhka dawlada iyo ka Madaxwaynuhu uu wali wado qorshihii uu ku meel marsan Lahaa kooto loogu xidho gaadiidka khudaarka qaada isagoo liisamo ay dalka kusoo galaan usamaystay inka badan 11 gaadhi oo itoobiyaan ah.

Gudoomiyaha degmada wajaale oo kulan ugu yeedhay qaarkamid ah iskaashatooyinka gaadiidka iyo muruqmaalka Magaalada wajaale oo habeen dhawayd shir kula qaatay magaalada wajaale ayaa xubnahan ka socday iskaashatooyinka iyo xoogsatada ku wargaliyay in xukuumadu kusoo amartay in uu awood dawladeed ku Meelmariyo koota ay ganacsadaha reer somaliland ee ah Maamulaha guud ee shirkada sagal jet la dhaqan galin doono Cidii ka hor timaada uu xabsiga utaxaabi doono.

Sidoo kale xubnaha ka socday gaadiidlayda iyo muruq maalka Ayaa si cad uga biyo diiday hadalka kasoo yeedhay Gudoomiyaha degmada wajaale iyagoo usheegay in aanay Aqbalayn in gadiid dadka itoobiyan ahi wataan la wareegaan Shaqadoodii dalkana soo galiyaa khudaarta iyadoo aanu jirin Sharci fasaxayaa.

Hadalka kasoo yeedhay gudoomiyaha degmada wajaale ayaa Dareeno dhaco leh ka abuuray guud ahaan shacabka ku Dhaqan magaalada wajaale oo sheegay in aanay marnaba yeelaynay in nin shaadhka madaxwaynaha Somaliland wata kooto loogu xidho shaqadii muruqmaalka wajaale hirgasho islamarkaana ay dad ajaanib ah ah shaqadooda loo xidho wixii ka dhaca ay dawladu qaadan doonto masuuliyadeeda taasi oo Dhaawac ku ah qarannimada iyo xuquuqda muwaadiniinta ka Xamaasha dalkoodii.

Maamulka magaalada wajaale ayaa ah maamulka socod baran Ah islamarkaana umuuqda mid masuuliyadii ka saarnay Shacabka uu xilka uhayo ka door biday raalin galinta iyo Fulinta danaha ganacsade adeegsanaya shaadhkii Madaxwaynaha oo sida xogaha usheegeen ay maamulka Gobolka gabiley iyo ka Degmada wajaaleba ugu habradaan Waa qoyska madaxwaynaha iyagoo aaminsan in ay xilkooda Ku waayayaan hadii ay ka hor yimaadaan danihiisa, taasi oo Tilmaamaysa shaqsiyada dhabka ah ee ay yihiin Masuuliyiintan loosoo doortay shacabka ku dhaqan magaalo Xuduudkeeda tog wajaale.

Sikastaba ha ahaatee talaabada ay qorshayanayaa maamulka wajaale in ay ku meelmariyaan awood ciidan ayaa laga cabsi qabaa in ay abuurto isku dhac gaadiidlayda iyo xoogsatada reer somaliland ee ka shaqaysta magaalada wajaale iyo Wadayaasha ajaanibka ah ee la qorshaynaya in ay dalka si Toos ah usoo galiyaan khudaarta laga keeno dalka itoobiya oo Markii hore lagu rogi jiray xuduudka labada dal, halkaasina ay kasoo guraan gaadiidka ay wataan muwaadiniinta reer Somaliland iyo boqolaal muruq maal ah oo ka xamaasha Khudaarta iyadoo ay ka dhalan karaan waxyaabo saameeya Abniga dalka iyo xidhiidhka labada dawladood, balse waxaa Masuuliyadeeda qaadanaya maamulka degmada wajaale ee Iyagu doonaya in ay awood ku meelmariyaan.

Guntii Iyo Gunaanadkii Waxa laga war sugidoonaa halka ay biyo dhigato arintaas iyo Talaabada ay qaado xukuumada dhexe ee somaliland.Xigasho Wajaalenews.net

Open chat
soo dhawoow walaal