“Ma Qaabilayno Suldaanka Oromada” Saladiinta Somaliland

Hargeysa (Dhamays) – Salaadiinta Beesha Beelaha Subeer Awal ee Somaliland, ayaa Shir ka yeeshay Wefti la sheegay inuu Hoggaaminayo Suldaanka guud ee Qoomiyadda Oromada Itoobiya, kaasi oo sida la sheegay doonaya inuu si Madax-bannaan uu Hargeysa kulan ugala yeesho Madax-dhaqameedka Somaliland, oo uu Raali-gelin ka siiyo Dil Magaalada Hawaaday loogu geystay Dad Reer Somaliland oo Ganacsi u joogay.

Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Suldaanka Guud ee Qoomiyadda Oromada loo sheegay inuu Hargeysa u imanayo inuu Raali-gelin ka siiyo Dad Reer Somaliland ah oo Oromo ku dishay Magaalada Hawaday ee Dalka Itoobiya, laakiin Suldaanka Guud ee Subeer Awal wuxuu sheegay in aanay Qaabili doonin haddii uu yimaaddo, maaddaama buu yidhi socdaalka Suldaanka Oromadu yahay mid aanay la soconin Dawladda Somaliland, Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Dawladda Federaalka Itoobiya midna.

Suldaanka Guud oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa la isla dhex marayey Wefti qoomiyadda Oromada ah ayaa idinku soo beegan oo doonaya Madax-dhaqameedka, waxay u socdaana waa Xasuuqii Shacabkayaga aan waxba galabsan loogu geystay Hawadaay. Annaga oo aad iyo aad uga xun, aadna uga tiiraanyeysannahay Dadkayagii, ayaa haddana waxa Yaab nagu noqotay halkan baa Madax-dhaqameedkii idiinku imanayaa, taa Salaadiinta Subeer Awal waanu ka wada-hadalnay oo waxaanu ka galnay shirweyn, waxaanuna ka soo saarnay Afar Qodob oo kala ah:-

  1. Waxaanu aad iyo aad uga Xun-nahay Falkii Bahal-nimada ahaa ee ka dhacay Hawadaay ee lagu laayey Dadkayaga aan waxba Galabsan.
  2. Waxa layaab nagu noqotay oo aanaan Marnaba Oodda ka rogayn Weftiga la leeyahay Oromada, mar haddii aanay soo marin oo aanay waxba ka ogayn Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, Dawladda Federaalka Itoobiya iyo Dawladda Somaliland, marnaba lagama yaabo inaanu Qaabilno ama aanu la kulano, lama kulmayno, ma Qaabilayno Arrin aan Dawladihii Mandaqadduba ogayn oo toos noogu imanaya, arrintaasi Deel-qaaf bay nagu tahay, Waayo? Dawladda deegaanka Soomaalida ayaa Gacanta ku haysa, Dawladdii dhexe ee Federaalka ayaa Gacanta ku haysa.”

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal