Laba Ruux Oo Ku Geeriyooday Shil Maanta Ka Dhacay Duleedka Hargeysa

Hargeysa (Dhamays) – Waxa Maanta Gelinkii dambe uu Shil Baabuur ka dhacay Galbeedka Magaalada Hargeysa, gaar ahaan inta u dhaxaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Tuulad Abaarso.

Shilkan Baabuur ayaa waxa ku Geeriyooday Alle ha u naxariistee laba Nin oo la sheegay inay Magaalada Wajaale ka soo Qaadeen Qaad ay doonayeen inay ku iibiyaan Hargeysa.

Labadan Marxuum oo Magacyadooda lagu sheegay Cabdi Ismaaciil Cige oo ahaa Dirawalkii Gaadhiga iyo Maxamed Daahir Cabdillaahi oo lagu sheegay inuu ahaa Ninka lahaa Qaadka uu Gaadhigu ka soo qaaday Magaalada Wajaale.

Taliyaha Ciidammada Booliiska ah ee jooga Kaantaroolka Galbeed ee Magaalada Hargeysa Axmed Cumar Cabdi oo Telefiishanka HCTV waydiiyey sida Shilku u dhacay ayaa sheegay in Gaadhiga oo ahaa Nooho (Nooca yaryar ah) uu isagoo Xawaare sare ku socda uu Waddada ka baxay isla-markaana uu Afka ku dhuftay Jiridda Geed weyn oo Waddada dhinaceeda ku yaalla, taasina keentay in Gaadhigu isku soo duubmo, ka dibna labada Marxuum-na ku dhex dhintaan.

Shilkan ayaa imanaya Maalin ka dib, Shil naxdin leh oo ka dhacay Duleedka Galbeed ee Magaalada Gabiley, kaasi oo ay ku dhinteen Afar Qof oo laba ka mid ahi Walaalo ahaayeen, kuna jiray Guddoomiyaha Magaalada Kalabaydh, kuwaasi oo dhammaantood ku Geeriyooday Shilkaasi oo yimid markii ay isku dhaceen Gaadhi Seeraf ah iyo Gaadhi Nooho ah.

Sidoo kale, Shilkan ayaa imanaya Maalmo ka dib, markii Shil ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Burco iyo Sheekh ay ku Geeriyoodeen Saddex Dhallinyaro Rag ah oo ka mid ahaa taageerayaasha Xisbiga WADDANI.

Bilihii u dambeeyay waxa yaraaday Shilalka ka dhaca Somaliland, laakiin Toddobaadkan ayay soo badanayaan.

Dadka falanqeeya Sababaha keena Shilalkan Khasaaraha badan ka dhasho, ayaa sheega in sababtu tahay khibrad la’aan haysa Wadayaasha Gaadiidka iyo weliba Masuuliyad-darro.

Wadayaasha Gaadiidka ayaa hore uga caban jiray burburka Waddooyinka isku xidha Gobollada Dalka, laakiin Sanadihii u dambeeyay ayaa Xukuumadda Somaliland dayactirtay meelo ka mid ah Waddooyinka, ka dib markii ay Dhaqaale ka heshay Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee loo yaqaanno SDF, kaasi oo ay Lacago Deeq ah si Sannad leh ah ugu soo shubaan Dalal uu ka mid yahay Denmark.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal