Laba Qarax Oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Muqdisho (Dhamays) -In ka badan 5 ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen qarax goor dhoweyd ka dhacay agagaarka Hotel Wehliye ee magaalada Muqdsiho

 

Wararka ayaa sheegay in uu qaraxani ka dhashay gaadhi laga soo buuxiyey waxyabaaha qarax oo ku qaraxay banaanka hore ee hotelka

Dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxaas ayaa isugu jiray dad marayay Jidka iyo qaar hareera fadhiyay Jidka oo ay goobo ganacsi ku yaalaan.

 

 Sida ay sheegayaan warar ka soo baxay Sii hayaha xilka Wasiirka Kaluumeysiga Maxamed Cumar Ceymoy oo gaadhigiisa lala eegtay qaraxa balse aanu isagu goobta ku sugnayn waxaana ku dhaawacmay laba ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.

 

Goob joogayaal ayaa sheegaya in xilliga qaraxu dhacayay ay wadadu aheyd mid gaadiid kala duwan marayeen, isla markaana khasaaraha uu intaas ka badan karo.

 

 Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in xaalada goobta ay tahay mid caadi ah, isla markaana qaraxa kaddib aanay dhicin waxyaabo kale .

 

 Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo saacado gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho, saaka ayaa waxaa qarax ismiidaamin ahaa uu ka dhacay meel u dhow xero ciidan, iyadoo gaadhiga uu qarxay, kaddib markii ciidamada ay rasaas ku fureen, kaasoo doonayay inuu xerada soo galo.

 

 

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal