Hargeysa (Dhamays) – Guddoomiyaha, ahna Musharraxa Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta Magacaabay Guddiga Ololaha Gobolka Sanaag ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee dhawaan Dalka ka dhacaysa haddii Alle yidhaahdo.
Sidaana waxa lagu sheegay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha KULMIYE oo soo gaadhay Dhamaysnews.com, taasi oo iyadoo dhamaystiran u qornayd sidan:-
Ujeeddo: Magacaabista Guddida Ololaha Gobolka Sanaag ee Xisbiga KULMIYE.
Kadib markii aan arkay muhiimadda Guddiyadda Ololaha Gobolladu u leeyihiin habsami-u-socodka iyo hufnaanta maamulka ololaha doorashada ee Xisbiga KULMIYE, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddida Ololaha Gobolka Sanaag ee Xisbiga KULMIYE, laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 14 October, 2017. Gobollada dhiman waxa la soo magacaabi doonaa dhawaan.
Gobolka Sanaag:
- Ibraahim Carraale Cabdi -Guddoomiye
- Cali Baashe Xaaji Maxamuud Shire –Guddoomiye Ku Xigeen
- Yuusuf Xasan Faarax
- Ibraahim Axmed Maxamuud
- Maxamuud Raage Ibraahim
- Ilhaan Maxamed Jaamac
- Siciid Xusseen Axmed –
- Maxamed Yuusuf Rooble
- Maxamuud Saalax Cabdi
- Maxamed Khaaliif Nuur
- Siciid Maxamed Ismaaciil Khaliil
- Mustafe Cumar Faarax
- Maxamed Iidle Cabdulle
- Maxamuud Axmed Saalax
- Cabdirisaaq Maxamed Cali
- Siciid Yaasiin Maxamed
- Aamina Cali Yuusuf
- Khadiija Maxamuud Yuusuf
- Xaliimo Cumar Cali Dheere
- Saynab Cali Shire
- Dr. Maxamed Axmed Cabdi
- Suleymaan Cawad Bukhaari
- Khadar Cali Xasan
- Kaltuun Khaliif Dubbe
- Siciid Maxamed Cismaan
Fiiro – gaar ah:– Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobol kasta, waxa uu noqonayaa Xoghayaha Guddida Ololaha ee isla Gobolkaa.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Email: kulmiyepartychairman@gmail.com