Koox Reer Masar Ah Oo Hargeysa Ku Qabanaya MAHRAJAAN

Hargeysa (Dhamays) – Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxa Maanta lagu soo dhaweeyay Koox u dhalatay Dalka Masar, kuwaasi oo la sheegay inay Maalmaha Ciidda Carafo soo Bandhigayaan Ciyaaraha loo yaqaanno  Qalaamo-rogadka (CIRCUS).

Kooxdan oo ay soo dhaweeyeen Kooxda Reer Hargeysa ee Ciyaaraha Fudud ee Qalaamo-rogadka, ayaa Bandhigooda Ciyaaraha Qalaamo-rogadka waxay Maalmaha Ciidda ku soo bandhigayaan Huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, Maalmaha ka dambeeyana waxay ku soo wareegi doonaan Caasimadaha Gobollada kale ee Dalka Somaliland, sidaana waxa sheegay Cabdalle Maxamed Cabdiraxmaan oo Matalayey Kooxda Ciyaaraha Qalaamo-rogadka ee Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxaanu Hargeysa ku soo dhaweynaynaa Kooxdan oo ka timid Dalka Masar, waxaanu Kooxdan ugu Talo-galnay inay Ciidda soo bandhigaan Ciyaaraha Qalaamo-rogadka ah, si Carruurteennu u arkaan wax ka duwan waxyaabo ka duwan wixii ay hore u arki jireen.”

Ashraf Saatib, oo isagu hoggaaminaya Kooxda Ciyaaraha Qalaamo-rogadka ee Dalka Masar ee Hargeysa lagu soo dhaweeyay, ayaa sheegay inay Maalmaha Ciidda soo bandhigi doonaan Ciyaaro fudud oo aad u xiiso geliya Carruurta iyo Shacabka Somaliland.

Kala soco pagekooda Facebook oo ah Hargeisa International Circus

Tikitka waxaad ka la xidhiidhaa +252 63 4031539

 

 

Hargeisa International Circus (1)

Hargeisa International Circus

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal