Komishinka Doorashooyinka Oo Shuruudo Adag Soo hordhigay Murashixiinta Saddexda Xisbi Ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

Hargeysa(Dhamays)-Kulan muhiim u ah arrimaha doorashooyinka la filayo in ay Somaliland
ka qabsoomaan ee Gollayaasha Wakiillada iyo Deegaanka, isla markaana lagu hubinayo in
murrashaxiintu buuxiyeen shuruudaha iyo xeerarka dalka, ayaa maanta ka qabsoomay xarunta
guud ee guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Kulankaa oo ay soo qaban-qaabiyeen Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxaana
ka qaybgalay xubnaha iyo Saraakiisha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, ee NEC),
Saraakiil ka socday Saddexda Xisbi Qaran(KULMIYE, UCID iyo WADDANI), Wasaaraddaha,
Waxbrashada, Guddida Tacliinta Sare, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Caafimaadka,
Xeer-Ilaalinta guud ee Qaranka iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

U-jeeddada kulanka ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka, ayaa lagaga hadlayay sidii
murrashaxiinta loo soo xulayo inay ka qaybgalaan tartanka Doorashooyinka Deegaanka iyo
Wakiilada loo dardar-gelin lahaa, isla markaana loo hubin lahaa in dhammaan Murrashixiintu ay
buuxiyeen Shuruudaha ku cad ee uu qeexay xeerka, isla markaana uu waajibiyay Xeerka guud
ee doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee ku taariikhaysan, 91/2020 iyo
Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland.

Ka qaybgalayaasha ka socday laamaha iyo hay’addaha kala duwan ee Dawladda ayaa doorar
kala duwan ku leh bixinta Waraaqaha caddaynaya shuruudaha buuxintooda ee Xeerku ku
waajibiyey murrashixiinta sida shahaadooyinka waxbarashadda, cashuur-bixinta, deebaajiga,
dambi-la’aanta, shaqo ka-tegista shaqaallaha dawladda, warqadaha caafimaadka iyo
dhammaan wixii waraaqo iyo dukumentiyo ee looga baahan yahay murrashaxiinta doonaya inay
ka qaygalaan tartanka doorashooyina gollayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Dood dheer iyo fahamsiin lagu naaqishay dhammaan arrrimahaa waxay dhinacyada kulanka ka
qaybgalay si qoto-dheer isula eegeen sidii Xisbiyada, Hay’addaha kala duwan ee dawladda iyo
guddida doorashooyinka qaranka Somaliland u hubin lahayeen fulinta Xeer Lr. 91/2020 iyo
dhaqan-gelinta qoddobada xeerka sida shuruudaha ku xidhan murrashixiinta isku taagi doona
Doorashooyinka inagu soo foolka leh, waxayna dhammaantood balan qaadeen in ay fulinayaan
qawaaniinta iyo xeerarka dalka ee ku waajibay tartamayaasha doonaya in ay ka qaybgalaan
doorashooyinka 31 May 2021.

Open chat
soo dhawoow walaal