Komiishanka Oo Soo Saaray JADWALKA Ololaha Doorashada

Hargeysa (Dhamays) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa soo saaray Jadwalka Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee Saddexda Xisbi Qaran.

Ololaha Doorashada Madaxtooyada ayaa Komiishanka Qaranku u asteeyay inuu bilaabmo 21-ka bishan Oktoobar oo ku beegan Sabtida foodda innagu soo haysa, waxaanu soconayaa illaa 10-ka bisha November, 2017-ka, taasi oo ka dhigan in Ololaha Doorashadu dhammaanayo Saddex Maalmood uun ka hor Maalinta loo dareerayo Doorashada oo ku beegan 13-ka November.

Ololaha Doorashada Madaxtooyada ayaa waxa lagu bilaabayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, waxaana ku xigaya Xisbul-xaakimka KULMIYE, halka uu Xisbiga WADDANI ugu dambeeyo, sida ku cad Jadwalka Ololaha Doorashada Xisbiyada Qaranka oo Komiishanka soo saaray.

 Halkan Hoose ka eeg Jadwalka Ololaha Doorashada

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal